Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Macalin Fiqi oo ay wehliyaan wasiirroย xukuumadda Federaalka ah, xildhibaanno BFS ka tirsan iyo maamulka Machadka Heritage ayaa maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho ku soo dhaweeyey Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dinta, Dhaqanka iyo Awqaafta ee dalka Djibouti Md. Muumuin Xasan Barre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qeybalaya wajiga 2-aad ee dhammaystirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ah ee Machadka Heritage oo magaalada Muqdisho lagu qaban doono 4 -5 bishan Maarso.
Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ka hadley munaasabadda soo dhaweynta Wasiir Muumin ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah labada dal ee walaalaha ah ee Somaaliya iyo Djibouti, iyo in uu ku soo dhowaado gacmo furan dalkiisii labaad, una rajeeyey mudada uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho kulamada uu la qaadan madaxda dawladda Soomaaliya kuwo miro dhal ah oo kor u qaadaya xiriirka labada dal ee walaalaha ah, ku guulaysto hawlaha kale ee uu u soo sodcaalay iyo joogitaan nabad ah.