Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda oo kulan muhiim ah yeeshay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda oo kulan muhiim ah yeeshay
Wararka

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda oo kulan muhiim ah yeeshay

By Sonna Whiteka
Last updated: August 23, 2024
4 Min Read
Share

Kampala (SONNA) – Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cabdilatiif Maxamuud Cali ayaa maanta kulan kula qaatay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Gen. Jeje Odongo Abubakar

Ugu horeyntii Siihayaha Safaaradda ayaa Wasiirka uga mahad celiyay kaalinta dowladda Uganda ka qaadanayso dowlad dhiska Soomaaliya iyo sidoo kale sida dowladda Uganda albaabadeeda ugu furtay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Uganda ku nool.

Mudane Cabdilatiif, ayaa Wasiirka u sheegay in ay jiraan caqabado lasoo gudboonaaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool taasoo ay ka mid tahay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Uganda ay dhowr jeer xirxireen muwaadiniin Soomaaliyeed oo Kampala ku nool iyagoo ku sababeeyay in aanay sharci deganaasho ku joogin dalka, waxana la ogyahay in muddo labo sano ku dhaw ay xiran tahay xaruntii laga diiwaan gelin jiray dadka qaxootiga soo galootiga ah, iyadoo kaarka qaxootiga qofka haystaa uu la mid yahay isagoo sharci deganaasho leh oo kale, Soomaalida badankeeda ayaa ku jooga dalka Uganda aqoonsiga qaxootiga, siihayaha ayaa codsaday in arrintaas wax laga qabto.

Arrinka labaad ee uu Siihayaha Safaaradda ka hadlay ayaa ahaa in hay’adaha waxbarashada dalka Uganda looga baahan yahay inay dhaqan geliyaan Barotokoolada wadamada Barriga Afrika (EAC) ee khuseeya arrimaha waxbarashada si ardayda Soomaaliyeed u helaan xuquuq la mid ah kuwa ardayda wadamada xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika marka ay timaado kharashka waxbarasho ee ay bixiyaan ardayda ajaanibtu, isagoo siihayuhu ka codsaday Wasiirka in hirgelinta arrinkaas uu gacan ka geysto.

Sidoo kale Siihayaha ayaa wasiirka ka codsaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee imanaya dalkan Uganda ay dalkugal-ka (Visas) ka qaataan airport-ka iyo xuduudaha dalka markay soo gaaraan oo laga dhaafo dalabka Visa-ha si loo fududeeyo isusocodka dadka labada dal, iminka waxa Visa-ha habkaas ku qaata dadka wata Baasaboorada Diblomaasiga iyo kuwa shaqada.

Ugu dambeyntii Siihaye Cabdilatiif Maxamuud ayaa wasiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta heshiisyadii labada Wasaaradood ay horay u gaareen ee xagga tababarada diblumaasiyiinta iyo karti dhiska shaqaalaha, taasoo qeyb ka ahayd isfahmkii (MoU) horay ay u kala saxiixdeen labada dal, isagoo siihayuhu la socodsiiyay wasiirka in shirka guddiyada wadajirka ah ee labada dal (Joint Permanent Commission) Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS ay qabanqaabadiisa waddo laguna qaban doono magaalada Muqdisho bisha Oktoobar ee nagu soo aadan 2024.

Dhankiisa Wasiir Gen. Jeje Odongo Abubakar, ayaa sheegay in labada arrin ee kala ah Visa la’aanta iyo arrinka ah in ardayda soomaaliyeed loola tacaamulo sida kuwa ka yimaada wadamada “East Africa Community” ay tahay laba arrimood oo ay xaq u leeyihiin muwaadiniinta soomaaliyeed, maadaama Soomaaliya ay xubin buuxda ka tahay dalalka Ururka EAC oo dadkoodu Uganda visa la’aan soo gala.

Arrinka qaxootiga ayuu sheegay in uu dabagal ku sameynayo kalana hadlayo hay’adaha ay khusayso sida Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Hay’adda Socdaalka, Wasaaradda Arrimaha Qaxootiga iyo Xafiisk Raysul-Wasaaraha Uganda, si dhaqso ahna ula xariirayo hay’adahaas waxii jawaab ahna dhawaan safaaradda lasoo gaarsiin doono.

Wasiirka ayaa sidoo kale balan qaaday in la fulin doono isfahamyadii horey ay u kala saxiixdeen labada Wasaaradood oo ay ku jirto iswaydaarsiga khibradaha iyo tababarada diblomaasiyadeed ee shaqaalaha arrimaha dibadda labada dal, dhowaanna ay soo saari doonaan qorshaha fulinta barnaamijkaan.

Kulanka ayaa ugu dambeyntii kusoo idlaaday jawi aad u qurux badan iyadoo lagu balamay in waxii laga wada hadlay oo dhan si deg deg ah wax looga qaban doono.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen.…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socda IOM

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka dowladda FS Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta xafiiska ku qaabishay wafdi…

GudahaWararka
February 10, 2025

Madaxweyne JFS oo magaalada Rooma kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Talyaaniga

Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira booqasho rasmi ah oo uu ku joogo…

GudahaWararka
February 11, 2023

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay ganacsatada

Muqidisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed la yeeshay kulan ku aaddan doorka ay ku leeyihiin jiheynta…

GudahaWararka
October 17, 2023

Wasiirka Beeraha oo daah furay tababar  30-dhallinyaro ah lagu barayo cilad bixinta iyo ku shaqeenta cagafta

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka JFS Xil. Mohamed Abdi Hayir ayaa daah furay barnaamijka tababarka farsmada gacanta ee cagafyada kaas…

GudahaWararka
July 20, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023