Muqdisho-(SONNA)-Waxaa goor dhow la filayaa inuu furmo kulan wada jir ah oo ay yeelan doonaan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu codsaday Madaxweynaha JFS mudane, Xasan Sheekh Maxamuud in uu hor tago xildhibaannada.
Xoghayaha guud ee golaha Shacabka, C/raxmaan Maxamuud C/lle Jaabiri oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inuu socdo diyaar garoow ku aaddan fadhiga loo madlan yahay, kaas oo uu madaxweynuhu ka jeedin doono qudbad ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Xoghaye Jaabiri ayaa sheegay in kulanku yahay mid aan caadi ahayn, kaas oo diiradda lagu saarayo xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.