Muqdisho, SONNA :-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wadatshi ah kula qaatay Xildhibaannada haweenka ah ee ka tirsan Golaha shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la wadaagay qorshaha dowladda ee dhammeystirka hannaanka dowladnimada, Dastuurka iyo dib u xoreynta dalka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xildhibaanada haweenka ahย ay udub dhexaad u yahiin difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed, madaxbannaanida iyo midnimada dalka, waxa uuna ku adkeeyey in doodaha socda ee dhammeystirka dastuurka ay ku kabaan arrimaha mudnaanta u leh Guud ahaan haweenka Soomaaliyeed si waafaqsan shareecadda Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
โHaweenka Soomaaliyeed iyagaa hormuud u ah oo nagu dhiirri geliya difaaca iyo xoreynta, waa kuwa dhexda u xirtay samata-bixinta xilliyadii adkaa. Dalka in uu dastuur dhameystiran yeesho haybad, sharaf iyo karaamo ayaa ugu kordheysa qofkasta oo door ku leh, waxan rabaa in aad uga shaqeysaan si cadaalad ah oo aad ku salaysaanย mabaadiiโda aasaasiga ah ee mideynaya Ummaddaโ.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay Marwooyinka Labada Gole ee Baarlamaanka in ay matalaaddooda mideeyaan oo ay abaabulnaadaan si ay u xaqiijiyaan yoolasha ay hiigsanayaan.