Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dowladda oo sheegtey in dekedaha Muqdisho & Berbera ay noqdeen kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika
    September 28, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: ” Bayaankii ugu adkaa” (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ” Bayaankii ugu adkaa” (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

” Bayaankii ugu adkaa” (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 23, 2024
9 Min Read
Share

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa taageerada dalalka caalamka ay ku taageereen qadiyadda Soomaaliya ee dhowrista madaxbanaanideeda, qaranimada iyo midnimada dhuleed, waxayna si gar ah u xuseysaa dadaaladii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadeed ee uu horkacayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka mid ahaayeen Shir Madaxeedkii aan caadiga aheyn ee Urur Goboleedka IGAD, Shir Madaxeedka Waddamada Dhexdhexaadka ah (NAM), kulankii Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika iyo socdaalkii miradhalka ahaa ee Madaxweynaha uu ku tegay Qaahira, kulanna kula yeeshay Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadley kulanka uu la yeeshay Madaxweyne El Sisi ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar ay yihiin  xulufo iyo wallaalo soo jireen ah oo mar kasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifaya iyo horumar waara , si gaar ahna diiradda loo saarayo xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed ee labada dal.

Madaxweynaha Masar oo Isna ka hadlayay kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadley saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xadgudubkaasi, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo wallaalo ah, kana wada tirsan Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika .

Tallaabada gurracan ee ay qaaddey Ethiopia ee ay ku faragelinayso qaranimada Soomaaliya ayaa loo arkaa mid si ula kac ah lagu wiiqayo guulaha iyo horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada, dhanka kalena ay Ethiopia khatar ku gelinayso amniga gobolka iyo kan caalamka intaba.

Haddaba Warbaahinta caalamka ayaa maalmahaan aad wax uga qorayay kulanka ku dhexmaray magaqalada Qaahira labada Madaxweyne ee Masar iyo Soomaaliya, iyagoo qoloba meel u jiidatay, waxayna qabteen shir-jaraaid oo ay kaga wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka labada dal iyo xaaladaha gobolka. Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay rabitaanka xooggan ee Soomaaliya ee ku aaddan inay Masar kala shaqeyso sidii ammaanka loo xoojin lahaa, gaar ahaan xilligan oo ay jirto damac gurracan oo Soomaaliya kaga imaanaya Itoobiya, isagoo intaasi ku daray in Iskaashiga Masar iyo Soomaaliya ee dhinac kasta uusan  aheyn mid khatar ku ah waddan kale. Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud isagoo ka hadlaya heshiiska Itoobiya iyo Maamulka gobolada Waqooyi Somaliland ayaa yiri, “Ma ogolaanayno in dhulalkeenna uu qabsado dal kale oo ay ku jirto Itoobiya.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi waxa uu sheegay in Masar aysan ogolaan doonin wax dhibaato ah oo soo wajaha Soomaaliya iyo amnigeeda, isagoo intaa raaciyay in dalkiisa uu diidan yahay in la faragaliyo arrimaha Soomaaliya, “ ma ogolaan doono in loo hanjabo walaalaheen Soomaaliya, markastana waxaan diyaar u nahay in aan garab istaagno walaalaheen’ayuu si kulul u yiri Madaxweynaha Masar, “ Soomaaliya oo lagu soo xadgudbaa waxay la micno tahay Masar oo la soo weeraray, gacmahana ka laaban meyno”, ayuu sii raaciyay Al-siisi.

Warbaahinta Carabta iyo Caalamka ayaa iftiimiyay kulankii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud iyo kan Masar Abdilfitah Al-Sisi ee ku saabsanaa diidmada faragelinta arrimaha Soomaaliya, iyadoo wargeyska Akhbar Al-Youm eek a soo baxa Masar ayaa waxa uu boggeeda ku daabacday shirkii miro dhalka ahaa ee dhex maray Madaxweynayaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Masar, iyadoo ciwaan uga dhigtay: “Madaxweyne Sisi: Soomaaliya waa waddan Carbeed… Ma yeeli doono. cid kasta in ay khatar geliso ama ay amnigeeda wax u dhinto”, Halka Russia Today ay ciwaan uga dhigay “Al-Sisi: Masar ma ogolaan doonto wax kasta oo khatar ku ah Soomaaliya iyo amnigeeda”, Russia Today-na, oo soo xiganaysa hadalka Madaxweyne Sisi, ayaa yiri: “Masar way diiday in la farageliyo arrimaha Soomaaliya.

Channel-ka Al-Hurra ayaa boggiisa Internet-ka ku daabacay kulanka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdifataax El-Sisi oo isna ciwaankiisu ahaa: “Bayaankii Masar ugu adkaa”…Fariinta Al-Sisi ee Itoobiya ka dib heshiiskii “Somaliland”, Madaxweynaha Masar ayaa intaa ku daray: “Fariinta aan u dirayo Itoobiya waa in ay isku deydo in ay ku boodo dhul ay maamusho, ma jirto cid ku heshiin doonta arrintaas”, isaga oo intaa ku daray in iskaashiga dhinaca horumarka uu yahay istaraatiijiyad wanaagsan, halka Telefishanka France 24  cinwaankiisa ahaa: “Sisi waxa uu ku nuuxnuuxsaday diidmada Masar ee ku xadgudubka madax-bannaanida Soomaaliya, iyada oo uu jiro muran dhuleed oo u dhexeeya Muqdisho iyo Addis ababa”.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh ayaa sheegay in Itoobiya aysan doonayn oo keliya badda balse ay doonayso in ay ku darsato dhulka Soomaaliyeed, taasina aysan dhici doonin., wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin Taariikh ku suntan colaad iyo dagaallo, balse ay Soomaaliya boggaasi iska laabtay, iyadoo go’aansatay in ay waddamada gobolka kula noolaato nabad., isagoo waraeysi siinayay Teledishinka Al-carabiya ayaa intaasi ku daray in haddii ay Itoobiya joojin waydo tallaabooyinka waallida ah ee ay qaadayso ay iyaguna cid walba weydiisan doonaan taageero gaar ahaan dowladda Masar.

Dhinaca kale inuusan dagaal Ooge Abiy dhanna u rooneyn waxaad ka garan kartaa sida uu ula dhaqmo Shucuubta Itoobiyaanka ah, mar uu gumaado Qowmiyadda uu ka dhashay ee Oromada, mar uu gumaado tan Tigreega, haddana waxa uu sifeyn ku hayaan midda Amxaarada, marka Shacabka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa ka hor yimid damaca qalafsan ee Abiya Axmed ee ku wajahan dhulka Soomaaliyeed, iyadoo qaar ka mid ah shacabka Amxaarada dalka Itoobiya oo ka hadlay heshiis beenaadkii dhexmaray Abiy Axmed iyo Muuse Buxi ayay ku tilmaameen inuu ahaa mid qar iska tuurka ah, islamarkaana aan laga fiirsan, waxayna sheegeen Shacabka Amxaarada in shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin in ay ilaashadaan midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Hadda ogoow Qomiyadda Amxaarada waa middii Melis Sanawi ku heysatay maxaad Eretareeya Badda nooga siisay ayaa hada leh Soomaaliya Baddeeda ha loo daayo, marka waxay  soo saareen Bayaan kooban oo ay Dowladooda ugu baaqayaan inay lama taabtaan tahay Ixtiraamka darisnimo oo saldhig u ah nabadgalyada iyo horumarka labada dal, ugu dembayntiina Qowmiyadda Amxaarada ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo madxda dowladiisa u soo jeediyey in ay ka fogaandaan wax waliba oo dhawaaci kara, darisnimada sida faragalinta dal madaxbanaan.

Hadalkaan ka soo yeeray Qomiyadda Amxaarada ayaa ku soo aadaya xilli Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya uusan xiriir wanaagsan kala dhaxeenin, iyada oo 70% maamulka Amxaarada uu gacanta ugu jira Qomiyadda, kuwaasi oo iska diiday hoggaamin xumadiisa ee uu ku hayo dadkiisa.

“Dhiiggii iyo dhecaankii Wiilasheenna & gabdheheenna ayaan u hurnay amniga Soomaaliya, keliya ma nihin deris ee waxaa nahay walaalo wadaaga af, dhaqan iyo dad, mana kala maarmi karno,  Heshiiskii Somaliland aan la galnay waa iskaashi ganacsi oo noo sahlaya irid bad, maaha qaadasho madaxbanaani dal”, sidaa waxaa yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Itoobiya, Ridwaan Xuseen oo shir jaraaid ka hadlaayay. “Xaqiiqadu waxa ay tahay in kuwo aan Soomaali wax tarin ay isu muujinayaan saaxiib dhab ah – waxa aan jeclaan lahayn in wadahadal aan la yeelano dhammaan deriskeenna, si aan u noqonno shuraako is-dhexgal iyo horumar wada gaara”, ayuu sii raaciyay.

Marka hadaladaasi maxaa lagu fasiri karaa?. Bal adba.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Hambalyo u dirtay Kooxda Dekedaha FC kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee CAF Confederation Cup

Nairobi, (SONNA) – Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Villa Hargeysa kulan kula qaatay Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha BJFS

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan kula qaatay xarunta Villa Hargeysa, Guddiga…

GudahaWararka
February 4, 2024

Danjire Jabriil Ibraahim Abdulle oo safar shaqo ku tegay magaalada Kisumu

Kisumu,(SONNA):-  Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibrahim Abdulle oo ay wehliyaan Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Mudane Cabdullahi…

GudahaWararka
June 1, 2025

Baarlamaanka labada Aqal oo ka doodaya cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah

Muqdisho-(SONNA)-Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo wehliyaan ku-xigeennada labada aqal ayaa shir…

GudahaWararka
March 19, 2024

 ‘laba cadow ayaan leenahay’ (WARBIXIN)

Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay dagaal gasho, si ay Itoobiya uga joojiso aqoonsiga dhulka Somaliland ka go’day oo ay…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 14, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023