Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Caalamka oo si isdaba joog ah uga soo jawaabay baaqa Soomaaliya ee diidmo Xadgudubka Ethiopia (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Caalamka oo si isdaba joog ah uga soo jawaabay baaqa Soomaaliya ee diidmo Xadgudubka Ethiopia (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Caalamka oo si isdaba joog ah uga soo jawaabay baaqa Soomaaliya ee diidmo Xadgudubka Ethiopia (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 4, 2024
9 Min Read
Share

Addunyada ayaa si isdaba joog ah uga soo jawaabaysa baaqa Dawladda Soomaaliya ee ah in la diido Xadgudubka Ethiopia ay ku damacsan tahay inay boobto meel ka mid ah Badda Soomaaliya, Midawga Yurub, Jaamacadda carabta, Ururka Midowga Afrika iyo qeybo badan oo ka mid ah Dalalka saaxiibka ah ayaa caddeeyay mawqifkooda. Heshiiska Isfahamka waxa uu siinayaa Itoobiya fursad ay ku kiraysato saldhig badeed joogto ah oo la isku haleyn karo iyo adeegyada badda ganacsiga ee Gacanka Cadmeed.

War ka soo baxay Midowga Afrika yaa lagu sheegay in la qadariyo Midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana sidaasi lagu sheegay war ka soo baxay Xfiiska Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Midowga Moussa Faki Mahamat, iyadoo lagu sheegay warkaasi, wuxuu si dhow ula socdaa xiisadda ka dhalatay heshiiska ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo gobolka Soomaaliyeed ee (Soomaaliland) ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Midowga Afrikaโ€, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiriโ€. Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istixgelin ka timaada labada dhinac,si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya, Moussa Faki ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara in uu xumaado xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labadan dal ee dhaca Bariga Afrika, ayuu yiri Mr Faki.

Guddoomiyaha midowga Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka la xiriira dhowrista derisnimada,si sare loogu qaado dhiirogelinta nabadda,ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika, wuxuuna intaasi ku daray in la ixtiraamo madaxbanaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee guud ahaan wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Midowga Afrika ayaa labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqay in si shuruud laโ€™aan ah u bilaabaan wadahadallo lagu xalinayo kala duwanaanshiyohooda, iyadoo dhanka wanaagga ah laga eegaayo, dibna ay u soo celiyaan iskaashigooda si looga wada shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka, ugu dambeyntiina Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka goโ€™antahay sidii xal waara loogu heli lahaa xiisaddaan soo cusboonaaday.

Dhinaca Ururka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka tahay ayaa iyana ka hadashay arrinta damaca Itaabiya ee Badda Soomaaliya, Afhayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdie ayaa cambaareeyay heshiisyada is-afgaradka ah ee ku xad-gudba Qaranimada Soomaaliya, loogana faaโ€™iidaysanayo duruufaha ka jira dalka iyo is-faham-waaga ka taagan wadahadallada ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Afhayeenka ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay si buuxda u garab taagan tahay goโ€™aankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaas oo uu ku tilmaamay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Somaliland mid aan waxba ka jirin, isla markaana xad-gudub cad ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna ka digay saameynta ay tallabadani ku yeelan karto fidinta afkaarta Argagaxisada ee xagjirka ah, xilli dowladda Soomaaliya ay dedaalo badan ugu jirto sidii ay uga hortagi laheyd.

Baarlamaanka wadamada Carabta ayaa si buuxda u diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada, Madaxbanaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Itoobiya inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadiโ€™da deris wanaagga, ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha iyo in aanan la faragelin arrimahooda gudaha ee dal, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida gobolka, wuxuuna carabka ku adkeeyay in amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo xurmeynta qaranimadeeda ay tahay qeyb ka mid ah amniga qaranka Carabta, iyagoo carabka ku adkeeyay in Baarlamaanka Carabta ay ku garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tilaabooyinka sharciyeed ee ay ku ilaalineyso xasiloonideeda iyo qaranimadeeda.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay hadalkii ka soo yeeray Xoghayaha fulinta Urur goboleedka IGAD, iyadoo u aragta mid u xaglinaya dowladda Ethiopia. War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa lagu yiriโ€ Waxaan ugu baaqaynaa Xoghayaha Fulinta IGAD inuu si degdeg ah raaligelin uga bixiyo hadalkaasi, uuna ka qaado talaabada ku habboon.

Wasaaradda arrimaha dibedda dowladda FS oo shir isagu yeertay danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa warbixin ka siisay Xaaladda Goโ€™aanka Soomaaliya ee ku wajahan Xadgudubka Itoobiya ee madaxbanaanida dhuleed ee JFS.

Sii-haayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda dowladda FS Cali Balcad ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shirka oo muhiim ahaa uu ku saabsanaa in Danjireyaasha caalamka dowladdu garsiiso goโ€™aankeeda ku aaddan talaabada xadgudubka ah ee ay qaadday Xukuumadda Addis Ababa.

Dowladda Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka taagan Geeska Afrika, kaddib markii ay Itoobiya iyo maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo Itoobiya u ogolaanaya inay hesho badda cas.

heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Isniintii kala saxiixdeen Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayay Soomaaliya ku tilmaantay โ€œgardarroโ€ oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed. Soomaaliya ayaa sidoo kale u yeertay safiirkeeda u fadhiya dalka Itoobiya si ay wadatashi ugala yeelato arrintan.

Bayaan uu soo saaray Talaadadii, Af hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Matthew Miller wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu ka naxay xiisadda ka taagan gobolka, wuxuuna ku booriyay dhammaan dhinacyada inay galaan wadahadal diblomaasiyadeed.

โ€œWaanu aragnay warbixinadaasi, waanu ka walaacsanahay iyaga, waxaanu ku biirnay Asxaabta kale si aanu u muujino walaacayada halista ah iyo sidoo kale xiisadaha ka taagan Geeska Afrika, waxaanu ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay wadahadlaan si diblomaasiyadeed, iyo Maraykanka waxay aqoonsanaysaa madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda 1960-kii,โ€ ayuu yidhi Miller.

Maraykanka oo ah deeq bixiye weyn oo dhinaca ammaanka iyo wada shaqeynta la leh Ethiopia iyo Somalia ayaa hadalkan ka soo yeerayay Maraykanka waxa uu ahaa mid dhiiri galin u ah Soomaaliya oo muddo dheer u dhaxeysay Somaliland, khilaaf ku saabsan maqaamka iyo xuduudaha.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa ka digay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu sii xumeeyo xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo markii horeba ahaa mid aad u kacsan oo ku saabsan xuduud badeedka lagu muransan yahay iyo doorka Itoobiya ku leedahay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya.

Is afgaradka Itoobiya iyo Somaliland ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan kara wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo sannado ah hakad ku jirtay. Midowga Afrika ayaa dhex dhexaadin ka waday labada dhinac, balse wadahadallada ayaan wax horumar ah laga gaarin.

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay “Waxaan soo dhawaynaynaa mowqifka Xukuumadda, Madaxweynaha, Guddoonka Baarlamanka iyo Xildhibaannada labada aqal ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ku aaddan heshiiska sharci darrada ah ee Dowladda Itoobiya isku dayeyso inay ku boobto Badda Soomaaliya. Waxaa wax lagu farxo ah baraarugga shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, midnimada ay muujiyeen si ay u difaacdaan Kheyraadka dhulkooda iyo Baddooda. Waxaan uga digaynaa dowladda Itoobiya damac kasta oo ay ku dooneyso inay ku qaadato taako kamid ah Badda Soomaaliya, arrintaas waxay suurta geli weysay dalkeenna oo intaan ka tabaryar, maanta oo dowladnimadeenna cagaheeda isku taageyso marna kama tanaasuli doonno taako kamid ah dhulkeenna, Baddeenna iyo Kheyraadkeenna”.

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu ugu baaqayaa beesha caalamka in il gaar ah lagu haayo damaca, daandaansiga iyo isku dayga boobka ay waddo Itoobiya ee ka dhanka ah Khayraadka Dalkeenna Soomaaliya, isagoo ugu baaqaya saaxibada Soomaaliya in ay muujiyaan is garab taagooda Soomaaliya. โ€œMushkiladda Itoobiya iyo Soomaaliya kuma dhammaan karto xoog iyo gacan togaalaysi ee waxaa ay u baahantahay wada hadal dhab ah maadaama laba dal oo deris ah aan nahay, lagana fogaado wixii keeni kara xasilooni darro ka soo cusboonaata geeska Africa. Waxaan ku garab tagannahay Dowladda difaaca qaranimada, Khayraadka iyo ilaalinta Midnimada dalkaโ€.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul

Istanbul (SONNA): Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sarreeye Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hay’adda Duulista Rayidka” Majirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya”

Muqdisho*SONNA):-Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa goor-dhow sheegtay in aysan jirin amni xumo iyo halis ka jirta hawada Soomaaliya. "Hayโ€™adda Duulista…

GudahaWararka
February 24, 2024

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiint XFS oo daahfuray kulan looga hadlayo adรจega 5G

Muqdisho(SONNA):-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaanย  Axmed Cismaan Diiriye ayaa daah-furay shir looga hadlayay istaraatijiyada adeega 5G,kaa oo…

GudahaWararka
September 18, 2023

Maxaa laga fahmi karaa Sheegashada Al-Shabaab ee Xasuuqii Muqdisho.?

Maalmo ay maleeshiyada Alshabaab la aamusnaayeen sheegashada Qaraxii ay ku xasuuqeen ku dhawaad 100 qof oo rayid ah waxay qirteen…

MaqaalladaWararka
December 31, 2019

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galmudug iyo Hirshabeelle

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane,Daaโ€™uud Aweys Jaamac oo shir jaraa'id ku qabtay xarunta Wasaaradda ayaa ka warbixiyay…

GudahaWararka
September 17, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023