Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Sanadka 2023-kaย  Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah (WARBIXIN) Qeybtii 2-aad
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Sanadka 2023-kaย  Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah (WARBIXIN) Qeybtii 2-aad
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Sanadka 2023-kaย  Soomaaliya waxay gaartay guulo taariikhi ah (WARBIXIN) Qeybtii 2-aad

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 30, 2023
7 Min Read
Share

Dhacdooyinka Soomaliya ee sanadka 2023-ka oo sii dhammaanaya ayaan waxaan eegeynaa muddadaasi maxaa u qabsoomay Dowaladda Soomaaliya oo qorsheysatay arrimaha soo socda:- siyaasadda arrimaha gudaha iyo midda arrimaha dibadda, marka qeybtaana waxaan ku eegeynaa:-

Qorshayaasha dowladda ee arrimaha dibadda:-

1.ku biirista dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika:- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Bariga Afrika, taaso oo u sahleysa Shacabka Soomaaliyeed iyo Ganacsatadaba inay si sahlan ugu safraan Wadamada Xubnaha ka ah Ururkaasi, Madaxweynaha JFS Dr; Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xusay dadaalka uu ku bixinayay tan iyo sannadkii 2016-kii ka mid noqoshada Ururkaan, maadaama ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo helaya suuq caalami ah, fursado ganacsi iyo socdaalka oo u fududaanayaa, waxa uuna ammaanay khubarada iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeyey sidii dalalka ku mideysan ururkaan loogu qancin lahaa aqbalaadda codsiga Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika aqbalaadda codsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan ka mid noqoshada Ururkaan, waxa uuna soo bandhigay faaโ€™iidada ay u leedahay Shucuubta iyo dalalka Bariga Afrika in Soomaaliya ay ku soo biirto, maadaama ay tahay dal hodon ah, meel istaraatiiji ah dhaca, dadkiisuna ay hurmuud u yihiin ganacsiga Qaaradda.

2.Qaadista cuneqabateynta Hubka:- ee saarneyd dalka Soomaaliya muddo 31 sano ah, waxayna shir ay isugu yimaadeen 13-kii bisha Desmber ee sanadkan Xubnahas Golaha ammaana ee Qaramada Midoobay ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in Soomaaliyan laga qaado Cuneqabateynta hubka, si ay u dhisato ciidankeeda, islamarkaana sii xoojiso dagaalka ay kula jirto Kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab. โ€œWaxaan soo dhaweynayaa goโ€™aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo goโ€™aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliyaโ€, sidaa waxaa yiri Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud.

Maalin kadibย  waxay Dowladda Soomaaliya ku qabatay Xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee Magaalada New york ee Cariga Maraykanaka shir ku saabsan amniga Soomaaliya, dib u dhiska Ciidamada iyo howlgallada Xoreynta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada New York ee dalka Maraykanka uu markaa ku suganaa ayaa guddoomiyay Shirkaasi, kaasi oo ay ka soo qeyb-galeen in ka badan 26 dal, Wakilo ka kala socday Ururada Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika, waxaana looga hadlay ajandeyaashan; 1- Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya.2-Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya. 3-Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

3.Deyn Cafinta : Heyโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta horumarka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, taasi oo ay ka muuqato in ay Dowladda Soomaaliya ku guulaysatay dhammaan shuruudihii Barnaamijka Deyn-Cafinta. IMF ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay si guul ah uga soo baxday shuruudihii ku jiray hannaanka dib-u-eegista 6-aad oo muddo labo toddobaad ah ay ku shirayeen magaalada Nairobi Dowladda Soomaaliya iyo IMF/ Bangiga Adduunka.

Soomaaliya waxa ay sii wadday dib-u-habeyn xooggan, waxqabadka barnaamijkuna waxa uu ahaa mid lagu qanco. Madaxda IMF iyo maamullada Soomaaliya ayaa gaaray heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan dib-u-eegista lixaad ee habka amaahda la dheereeyay ee Soomaaliya (ECF). Dowladda Soomaaliya waxay sii wadeen inay horumariyaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha lagu gaarayo Heerka Dhameystirka HIPC Diseembar 2023-ka, markaas oo deynta dibadda ee Soomaaliya laga dhimi doono wax ka yar US $ 600 milyan marka la eego qiimaha saafiga ah, marka la barbardhigo US $ 5.2 bilyan dhamaadka -2018-ka, ugu dambeyntiina 12-ka bisha Desember ayaa habi ahaanba deymihii lagu lahaa laga cafiyay.

Dhinaca kale Heyโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF-ta ayaa lacago badan oo deyn ah ku leh inta badan dalalka ku yaal qaarada Afrika, Web-side-ka Business Insider Africa ayaa soo bandhigtay 10-ka waddan ee Afrika ugu sarreeya ee leh deymaha ugu hooseeya ee Sanduuqa Lacagta Aduunka. Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ah heyโ€™adda ugu weyn maaliyadda adduunka, iyadoo taageero dhaqaale siiya dowladaha ay la kulmaan dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo Dalka Soomaaliya aanan lagu soo darin liiskan la soo bandhigey, waxaana Soomaaliya laga cafiyay deymaha lagu leeyahay oo dhamaa $4.5bn, lacagihii ay dowladii hore ee Siyaad Barre ka amaahatay Bangiga Adduunka.

4.Dhameystirka ka bixitaanka Soomaaliya Ciidamada โ€˜ATMISโ€™. โ€œDhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hayโ€™ado amni oo si buuxda ula wareega masโ€™uuliyadda sugidda amniga dalkaโ€, sidaasi waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Shiikh Maxamuud oo markaasi kahadlaayay munaasabad ay Ciidanka Dowladda kala wareegayeen Illalinta amniga Madaxtooyada Qaranka, xafiisyada Raโ€™iisulwasaaraha XFS iyo xaruunta Baarlamaanka Soomaaliya iyo xeyndaabyada ku hareereeysan.

โ€œ Muslimiin baan nahay, meeshaan deganahay iyo Madaxtooyada in Gabar Afrikaan ah oo Miskiin ah oo aan Muslim aheyn inay I waardiyayso oo ay Soomaali iga waardiyeyso wax lagu qanci karo ma ahanโ€, sidaasi waxa yiri Raโ€™iisul-wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo muddo hal bil ah markaasi magacaawnaa.

Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isna hadalkaan jeediyay markii ay Ciidamada ATMIS ka baxeen Villa Soomaaliya, ayna la wareegeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed,ย  โ€œWaa Taariikhda Jamhuuriyadii Seddexaad ee Madaxweynaha aysan Ajnabi ilaalinaynโ€.

Hambalyo iyo Bogaadin sanadkan sii dhammaanaya ee 2023ka, waayo Deyntii Waa nalaga Xoreeyey, Goโ€™doonkii waa nalaga xoreeyey oo waxaan ku biirnay suuqa dhaqaalaha bariga Afrika (Suuqa EAC), Cabsidii khawaarijtii waa nalaga xoreeyey, Cunaqabatayntii Hubka waa nalaga xoreeyey. Iyo Waxayaabo kale oo badanna waa nalaga xorayn doonaa Insha Allah.

Waxaa kaloo jirta in dhammaadka sanadkan ay dowladda Soomaaliya ay wadahadallo la furtay maamulka Soomaaliland, iyadoo labada masuul ee Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud iyo Muuse Biixi ay wadahadal ku yeesheen Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu isu keenay labada dhinac Madaxweynaha Dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo ku soo dhammaaday jawi is afgarad, waxaana ugu dambeyn tii laga soo saaray war-murtiyeed, taasi oo ka turjumeysa halku dhigga ah โ€˜SOMALI HESHIIS AH, DUNIDANA HESHIIS LA AHโ€™.

โ€˜Hoggaan xor ah ayaa dalkiisa xoreeyaโ€™.

By: C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kulan casho u sameeyay xubno ka socday dowladda

Muqdisho(SONNA);-Safiirka Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay masโ€™uuliyiin ka socday Soomaaliya oo todobaadyadii lasoo…

GudahaWararka
May 26, 2024

Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha XFS oo Tuuniisiya uga qeybgalay shirka Ururka Jaamacadda Carabta

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Wafdi uu hogaaminaayay ayaa dalka Tuuniisiya kaga qeyb-galay shirka…

Gudaha
March 3, 2023

Bannanbax ka dhan ah khawaarijta oo xalay lagu qabtay muqdisho

Muqdisho-(SONNA)-Shacabka Muqdisho ayaa xalay isugu soo baxay Isgooyska Taleex ee degmada Hodan, kaas oo lagu garab istaagayo dedaallada ay dowladda…

GudahaWararka
April 8, 2025

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koofur galbeed oo shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada 13 kursi.

Muqdisho (SONNA)-Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koofur galbeed ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada 13 kursi oo lagu qabanayo…

GudahaWararka
February 4, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023