Muqdisho(SONNA):-Caddow Takoow waa Aabbe 70 jir Beeraley ah, lana dalaa dhacayo dhibaatooyin mudda ay ku hayeen kooxda khawaarihta ka hor inta ay geesiyasha Qaranku ka xoreyn degaanka uu Beerta ku leeyahay,taa uu ugu dambeyn sababtay in uu isaga cararo tacbashada Beertiisa.
Warbaahinta Qaranka oo la kulantay Aabahaan ayuu u sheegay in Beertiisa uu ka falan waaye khawaarijta oo baad ka qaadi jiray dalagyada uga soo go’a Beertiisa afar sanno ayuu Aabahaan hebeenba meel u seexan jiray isagoo ka cabsi qabo khawaarijta iyo baada ay ka qaadi jireen.
“Haddii aan la iga qaadaneyn wax Beertaan iga baxo lacag fiican ayaan ka heli lahaa,balsa khawaarijta ayaa nagu dhibay oo marwalba baad joogta ah kaarabo,hadda cid wax naga qaado ma jirto” ayuu yiri Aabe Caddow
Taako ayaa saddaxdii sano ee igu dambeysay uga tagay tacbashada Beertiisa baad khawaarijta,haddase dib ayuu ugu soo laabtay degaanka kadib markii ciidanaka Qaranka ay ka xoreyeen khawaarijta,waana mid kamid ah dhibaatada khawaarijtu ku heyso Shacabka Soomaaliyeed.
Khawaarijta ayaa mudda dhibatooyin kala duwan ku heysay shacabka soomaaliyeed,balsa dadka soomaaliyeed oo ku baraarugay dhagarta khawaarijta ayaa suurta galiyay in ay u istagaan in ay iska xoreyaan,taasi oo keenatay dhul aad u baaxad weyn laga saaro argagixisada kuwaa oo hadda shacabka degaanadasi ay ku naaloonayaan amni iyo in aysan jirin cid baad ka qadeeyso.
Geesiyaasha Qaranka ayaa wali degaanada qaar ee Gobolada dalka ka wada howlgallo khawaarijta looga sifeynayo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan,si shacakaba soomaaliyeed ay u helaan nabad iyo xasilooni.