Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Jaamacadda Upeace oo ku deeqday 100 kun oo dhir ah, si ay u taageeerto hindisaha dib u cagaareynta Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Jaamacadda Upeace oo ku deeqday 100 kun oo dhir ah, si ay u taageeerto hindisaha dib u cagaareynta Soomaaliya
GudahaWararka

Jaamacadda Upeace oo ku deeqday 100 kun oo dhir ah, si ay u taageeerto hindisaha dib u cagaareynta Soomaaliya

By Kanaava Mohamed
Last updated: January 1, 2023
4 Min Read
Share
Qaar ka mid ah lix kun oo geed oo ay ku deeqday jaamacadda Upeace. Jaamacaddu waxay ballan-qaadday 100 kun oo geed si ay u taageerto dadaalka dib-u-cagaareynta dalka

Muqdisho (SONNA) Ololaha dhiraynta ee Madaxweyne Dr Xasan Sheekh ayaa taageero weyn kadib markii Jaamacadda Nabadda ee Qaramada Midoobay (UPEACE) ay dowladda ugu deeqday in ka badan 6,000 oo geed, waana qeybtii ugu horeysay boqol kun oo geed oo ay jaamacadda balanqaaday in ay ku taageerto hindisa cagaareynta dalka ee uu daahfuray Madaxweyne Xassan Sheikh.

Dhirtan ayaa lagu wareejiyay Wasaaradda Deegaanka, waxaana lagu beeri doonaa magaalada Muqdisho.

Jaamacadda UPEACE waxay noqotay hay’addii ugu horeeyey ee ka jawaaba hindisaha Madaxweynaha.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore (2022), Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu daah-furay Hindisaha Dib-u-cagaareynta Qaranka. Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay in 10 milyan oo geed lagu beero guud ahaan Soomaaliya si looga hortago xaalufka dhirta, waxna looga qabto saameynta ba’an ee isbadelka cimiladda, iyadoo ay haatn jiraan abaaro ba’an

“Ujeedada koowaad ee Jaamacadda UPEACE waxay tahay horumarinta nabadda iyo wax ka qabashada colaadaha, saameynta isbadelka cimiladda  kuwaasi oo sabab u noqda  colaadaha u dhexeeya xoolo-dhaqatada, sababtoo ah biyaha iyo daaqa oo yar,” ayuu yiri Dr Maxamed Yuusuf, madaxa UPEACE oo ka hadlayay xaflad ka dhacday Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho halkaas oo dhirta loogu wareejiyey wasaaradda degaanka.

Agaasimaha Jaamacadda Upeace ee Soomaaliya Dr Maxamed Yuusuf (bidix) ayaa gacan qaadaya Dr Saciid Maxamed Cali oo ah kaaliyaha Wasiirka Wasaaradda Deegaanka isagoo ku wareejinaya geedaha ay Jaamacaddu ku deeqday.

 

Dadaalka UPEACE ee ka qayb qaadashada hindisaha cagaareynta qaeanka ayaa ah mid la jaan qaadaya hindisaha Midowga Africa ee “Darbiga Cagaaran ee weyne” kaas oo looga gol leeyahay in dib loo cagaareeyo 250 milyan oo hektar oo dhul ah oo xaaluf ah, laguna xoojiyo amaanka wadamada ay colaada ragaadisay isla markaasna lagu joojiyo Tahriibka.

Soomaaliya, waxa haatan dhibaato ba’an ku haya mushkiladu ka dhashay isbadelka cimilada kuwaasi oo ay ka mid yihiin xaalufka dhulka iyo cunno yari, waxay caqabd ku noqdeen dhibaatooyinkan in la gaaro horumar waara Hindisaha Somali-cagaaran waxaa looga gol-leeyahay in xal waara laga gaaro caqabadaha ka jira dalka.

 

“Anigoo ku hadlaya magaca maamulka sare ee Jaamacadda, waxaan u mahadcelinayaa Midowga Afrika iyo Ahay’adaha kale ee nagu taageeray howshan sharafta leh, waxaa naga go’an inaan dowladda Federaalka ku garab istaagno sidii ay u gaari lahayd hadafkeeda ah dalka la cagaareeyo, waana sababta aan hormuud uga noqonay hindisahan oo aan ugu deeqeyno boqolka kun ee geed ee ugu horreeya,” ayuu hadalkiisa ku daray Dr Maxamed Yuusuf.

“Tani waa bilow wanaagsan iyo hindise aad u wanaagsan oo ay samaysay Jaamacadda UPEACE, anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahadceliyo Jaamacadda iyo Midowga Afrika deeqdan 100-ka kun ee geed ah” ayuu yiri Dr Siciid Maxamed Cali, wasiir ku xigeenka wasaaradda deegaanka.

Wuxuu intaas ku daray “in deeqdan ay gacan ka geysan doonto hirgelinta qorshaha Madaxweynaha ee ah in boqol kun oo geed lagu beero Muqdisho. Dhiraynta Soomaaliya waa mudnaanta koowaad ee wasaaradda deegaanka, waxayna wax badan ka tari doontaa caqabadaha ka dhalan kara isbedelka Cimilada”

Xaalufinta dhirta waa dhibaato meel kasta ka jirta, balse Soomaaliya arrintan waxay ka mid tahay mushkiladaha waaweyn. Waxa sanadkii la jaraa  ku dhawaad 2.5 milyan oo geed arrintaas oo u nuglenaysay dalka saameynta isbadelka cimiladda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Gaashaandhigga oo sagootiyey Cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ururka 7aad ee Kumaandooska Gorgor…

Wararka
March 9, 2021

Wakaaladda Wararka SONNA oo u dabaaldegaysa sanadguuradii 62-aad ee aas-aaskeeda

Muqdisho(SONNA):-Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa maanta oo Isniin ah u dabaaldegaysa sanadguuradii 62-aad ee kasoo wareegtay markii la aas…

GudahaWararka
January 5, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee xuquuqul insaanka

Muqdisho (SONNA): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo xiray Shirweynaha Qaran ee Xuquuqul Insaanka ayaa soo…

GudahaWararka
April 16, 2025

Cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta oo gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe 

Muqdisho(SONNA):-Cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo qeyb ka noqon doona…

GudahaWararka
March 17, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023