Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka cadaaladda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay
    July 23, 2025
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Raโ€™iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho ooย berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ka shiray Arrimaha amniga iyo howl gallada ka dhanka ah Khawaarijta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ka shiray Arrimaha amniga iyo howl gallada ka dhanka ah Khawaarijta
GudahaWararka

Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ka shiray Arrimaha amniga iyo howl gallada ka dhanka ah Khawaarijta

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 1, 2023
2 Min Read
Share

Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa caawa shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Arrimaha amniga iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ee ka socda deegaanada Hirshabeelle, Hindise-Sharciyeedka Maareynta Deegaanka Hirshabeelle, Hindise-Sharciyeedka diiwaangelinta hay’addaha aan dowliga ahayn, Ka doodista Hindise-Sharciyeedka hubka yar-yar ama fudud iyo Warbixinta Golaha deegaanka cusub ee Caasimada Jowhar iyo geedi socodka dhismaha goleyaasha deegaanka Hirshabeelle.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay amaanka guud ee deegaanada Hirshabeelle, qorshe-yaasha howlgalada lagu baacsanayo kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab iyo Howlgalo ciidanka dib u xoreynta deegaanka ay ka wadaan deegaano hoos-yimaado degmada Gamboole.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ahna Gudoomiyaha Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino ayaa ka warbixisay Roobabkii xooganaa ee ka da’ay deegaanada Hirshabeelle kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadka danyarta ah.

Golaha Wasiirada ayaa dood adag ka yeeshay Hindise-Sharciyeedyada kala ah Hindise-Sharciyeedka Maareynta deegaanka, Hindise-Sharciyeedka diiwaangelinta hay’adaha aan dowliga ahayn, Ka doodista Hindise-Sharciyeedka hubka yar-yar ama fudud oo Golaha Wasiirada ay usoo gudbiyeen Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Qorsheynta, iyo Amniga.

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa golaha ugu warbixiyay guushii laga gaaray dhismaha golihii deegaanka ee Caasimada Jowhar oo sedex cisho ka hor lasoo gabo-gabeeyay doorashadooda iyo geedi socodka dhismaha goleyaasha deegaanka Hirshabeelle.

Golaha Wasiirada ayaa cod wadar ogol ah ku ansixyay 1- Hindise-Sharciyeedka Maareynta Deegaanka Hirshabeelle, 2- Hindise-Sharciyeedka diiwaangelinta hay’adaha aan dowliga ahayn iyo 3- Hindise-Sharciyeedka hubka yar-yar.

Golaha Xukuumadda ayaa lagu hor dhaariyay Wasiir Ku Xigeenka cusub ee Wasaarada Qorsheynta Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdifitaax Jaamac Warsmae (Jeekey).

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka cadaaladda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka oo Taliska ATMIS kala hadlay dardar gelinta dagaalka Khawaarijta

Muqdisho,(SONNNA):- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS G/Sare Dayax Cabdi…

GudahaWararka
September 28, 2023

Carruur ku dhaawacantay Hoobiyaal ay soo rideen Argagixisada Al-shabaab oo Muqdisho lagu daweeynayo.

Muqdisho(SONNA):-Carruurtani oo ku dhaawacantay Hoobiyaal argagixisada Al-shabaab ku tuureen Dugsi lagu barto Qurโ€™aanka kariimka oo ku yaal gudaha degmada Awdheegle…

GudahaWararka
April 19, 2021

Wasiirka Amniga & Taliye Sulub oo maanta la Ciiday Caruurta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyaย  S/Guuto Sulub Axmed…

Gudaha
April 11, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo si adag uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab iyo Musuqmaasuqa

Muqdisho,(SONNA):-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidda Carafo kula tukaday masโ€™uuliyiin iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed Masjidka Isbahaysiga Islaamka…

GudahaWararka
June 29, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023