Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: ‘Nin Warankaagu galin yeedhaaduu ma gasho.’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Nin Warankaagu galin yeedhaaduu ma gasho.’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

‘Nin Warankaagu galin yeedhaaduu ma gasho.’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 15, 2025
9 Min Read
Share

Nin ka mid ahaa askartii ay jabhaduhu baaddiyaha ka soo uruuriyeen oo ku jiray dagaalkii lagu riday Siyaad Barre ayaa maalmo ka dib markii uu odaygu Xamar ka baxay wuxuu maqlay Rasaas dabaaldeg ah oo cirka loo ridayo. Markuu dadka weydiiyay waxa ay rasaastu ka walax tahayna; waxaa loo sheegay in lagu soo dhawaynayo Madaxweyne cusub. Ninkii inta yaabay ayuu yiri, “haddiiba aan Madaxweyne cusb soo dhawaynayo, maxaan kii hore u raacdeynay?!” Waxaa ninkaas la wacyi ah dadka maanta ku doodaya “haddii Abiy Axmed lala qoslayo maxaa awal loogu xanaaqay”?, sida uu Bartiisa Bulshada ku qoray Qoraa Mxamed Dhaaleey.

“Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee doonaya in ay talada dalka ka dhaxlaan xukuumadda maanta joogta, waxaa la gudboon in aysan qeyb ka noqon hoos-u-dhigidda wacyiga bulshada. Waa in aysan dadka ku caadifad-galinin ujeeddo gaaban oo ay iyagu meel ka sii fog u socdaan. Haddii kale, berrito marka ay dadku gaaraan meeshii farta loogu fiiqay, waxaa adkaan doonta sidii looga dhaadhicin lahaa in uusan safarku weli kow iyo laba joogin”!.

Qoraagu waxaa kaloo uu sheegay in Qaddiyadda khilaafkii Itoobiya yaanan bulshada loogu koobin hal sawir oo ay Xasan Sheekh iyo Abii Axmed wada qoslayaan, ama booqasho uu Xasan ku tegay Addis Ababa. Xaajadu intaasi waa ay ka sii guda-ballaaran tahay, ee iyadoo aanan mid xukun haaya loogu roonaaneyn, bulshada ha lala wadaago xaqiiqada ku saabsan in xiisaddii soo billaabatay Janaayo 2024-kii ay ahayd kheyr aan shar moodnay “blessing in disguise”. Waxa ay xujo ku furtay dhammaan indheergaradka iyo madaxda Soomaalida oo ay kuwa xilalka haaya ku jireen.

Qoraagu waxa uu ku soo khatimay “Nasiib wanaag, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qaatay mawqif cad oo ficil iyo fagaare-ka-sheegba lahaa. Natiijadiina waxa ay noqotay in sannad ka dib ay xaaladdu maanta ku soo laabatay halkii ay joogtay ka hor inta aysan xiisaddu kicin. Ujeedka dagaalkii diblumaasiyadeed ee lala galay Itoobiya kuma uusan saabsanayd qosol, sawir iyo magaalo la booqdo, ee wuxuu ku saabsanaa masiir iyo maslaxad Ummadeed oo lagu xadgudbay, taasi oo u baahnayd in si cad loo diido illaa ay meesha ka baxdo, tiina waa ay dhacday. Waxa keliya ee ay dooddu ka furan tahayna waa in bulshada la tuso caddeyn kasta oo lagu muujin karo in aysan wixii loo dagaallamay qabsoomin, Mucaaradkuna yaysan ka howl-yaraysan danta guud, ee intii ay dawladdu gelisay difaaca dantaasi in ka yar ayay iyaga uga baahan tahaye ha galiyaan sidii ay dadka u tusi lahaayee”.

Dad ayaa xalay la yaabanaa sida Madaxweynaha qaabkii loo soo dhoweeyey, qaarna waxayba ku tilmaameen in aan abid Madaxweyne Soomaaliyeed sidaasi oo kale loo soo dhowayn. Dagaalka siyaasadeed iyo kan ciidanba waxaa loo galaa in nabad loo siman yahay lagu gaaro, ma Jiro dagaal dhammaad la’aan ah ama aan xambaarsanayn hadaf la xaqiijinayo.

Dadaalkii iyo dagaalkii diblomaasiyadeed ee uu Madaxweynuhu hogaaminayey muddada sanadka aheyd waxaa lagu gaaray in Soomaaliya aan la dhayalsan, sidii loola dhaqmi jirey, indhihii lagu eegi jirey iyo xadgudubyadii lagu sameyn jiray wax weyn iska bedelaan. Isqadarin loo siman yahay, wadan walbaana kan kale ixtiraamayo arrimihiisa u gaarka ah, wixii la wada qabsanayana wadada sharciga loo marayo waa guusha la xaqiijiyey. Taariikhda waa markii ugu horeysay ee Itoobiya hab-maamuuskan heerkiisu sarreeyo ku qaabisho Madaxweyne Soomaaliyeed. In Waddooyinka Addis & dhismayaashaba uu ku xardhan yahay Cawaale-na waxay ku timi hoggaaminteena Siyaasadda Arrimaha Dibadda oo ah mid dhiifoon.

Dadka ka faallooda arrimaha Diplomaasiyadda iyo Hab-maamuuska ayaa sheegaya in Xil. Cabdiraxmaan Abdishakur Warsame iyo qaar la mid ah ayaan iyaga oo ka fiirsan markii ay ciidankan arkeen la soo booday dhaleeceeyn, iyaga oo ku sheegaya in ay yihiin ciidanka badda ee Ethiopian, halka ay ciidankani sida caddeeymahaan hoose ku cad yihiin ciidan-sharafeedka Itoobiya (Honor Guard), waxayna u gaar yihiin salaam siinta Madaxda sida gaarka loo soo dhaweeyo ama la sharfo. Ciidankan waajibaadka ay u xilsaaran yihiin waa soo dhaweynta wafuudda madaxda caalamka gaar ahaan booqashooyinka rasmiga ah.

Arrintaan ayaa timid kadib booqasho labo maalmood qaadatay oo uu Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ku tagay magaalada Addis Ababa, isagoo kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Madaxdu waxay isla garteen in dib loo hagaajiyo xidhiidhka diblumaasiyadeed ee uu xumaaday heshiiskii MOU ee Itoobiya iyo Somaliland. “Kadib wada hadal qoto dheer, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed,” ayuu yiri Balcad oo wareysi siiyay VOA. Xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal waxa uu xumaaday sannadkii hore markii ay Soomaaliya ku dhawaaqday in heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya iyo Somaliland uu ahaa mid aan waxba ka jirin oo meel ka dhac ku  ah  qaranimadeeda.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Sabtidii, labada hoggaamiye waxay ballan-qaadeen inay “soo celinayaan oo ay wanaajiyaan” xiriirka laba geesoodka ah iyada oo loo marayo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda. Labada hoggaamiye waxay ku nuuxnuuxsadeen in xasilloonida gobolka ay ku xiran tahay iskaashi xooggan oo ku dhisan is-aaminaad iyo is-ixtiraam. Dhanka kale, Masar ayaa Sabtidii ku dhawaaqday inaysan aqbali doonin in ciidan badeed ay joogaan Badda Cas ee ka imaanaya dalalka aan xuduudka laheyn. Hadalkan ka soo yeeray Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdelatty oo shir jaraa’id la qaatay dhiggiisa Soomaaliya iyo Ereteriya, ayaa hoosta ka xarriiqay walaaca sii kordhaya ee Masar ka qabto saameynta gobolka ee Itoobiya. “Ma oggolaan doono in dalalka aan badda laheyn ay ciidan ka sameystaan ​​hareeraha Badda Cas. Tallaabooyinka noocaan oo kale ah waxay saameyn ku yeelan doonaan nidaamka amniga ee biyaha moolka dheer,” ayuu yiri Abdelatty.

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in uu ka warqabo hadalka Masar, isagoo carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan si toos ah ugu lug lahayn arrimaha Badda Cas, maadaama aysan xuduud la wadaagin marin biyoodka. Marinka Bab-el-Mandeb ayaa isku xira badda cas iyo gacanka cadmeed ee mara xeebaha Soomaaliya. “Waxaan sii wadeynaa xiriirka madax banaan ee aan la leenahay Qaahira iyo Addis Ababa, mana aaminsanin in mid uu kan kale wax yeelo,” ayuu yiri Cali Balcad. “ Itoobiya inaan Marin Badeed ka siinno Gacanka Cadmeed nooma qorsheysna, mana ogolaaneynno saldhig ciidan oo Badeed”, sidaasina waxaa caddeeyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Cali Cumar Balcad, waxaana filayaa inaysan arrintaasi mugdi ku jirin.

Senator Cabdiweli Ibraahim Garyare ayaa ka hadlay hadalo ka soo yeeray xubno ka tirsan Baaralmaanka iyo siyaasiyiin. Qoraal uu soo saaray ayuu ku yiri:- “Rag Maarlamaanka labada aqal ka tirsan, oo leh ayaa arkaa ( baarlamaan ma jiro), haddii ay sidaasi aaminsan yihiin, maxay uga bixi waayeen golayaasha ay aflagaadada kuwadaan ? Mise Mushaharka ayeysan ka maarmin, oo sidaasi ayey meesha ugu jiraan? Garashada nadiifka ah ayaa ku siineysa wax aadan aaminsaneyn inaad isaga baxdo, kadibna banaanka la istaagto wixii aad ka dhaheyso Golayaashaasi. Wixiise intaasi ka soo  hara waa tororog iyo war badni ku dhisan ha lagaa sheeko”.

Xil. Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa isna qaba  “Xikmad iyo Xeelad Diblamaasiyadeed ayaan xalka ku gaadhnay. Waa tubtii aan ku xaqiijinnay ilaalinta qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Waan ku ammaanayaa Madaxweyne Hassan Sh. Mohamud hoggaamintiisa iyo xikmaddiisa lagu xalliyay xiisaddii gobolka.

By. C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Sacuudi-Carabiya oo si taxadar leh u furtay gudashada acmaasha Xajka iyo Cumrada

Riyadh-(SONNA)- Boqolaal qof oo muwaadiniinta Sacuudiga ah ayaa lagu soo dhaweeyay misaajidka weyn ee Maka si ay acmaasha cumrada u…

CaalamkaGudahaWararka
October 4, 2020

Shirka jiheynta dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Muqdisho-(SONNA)- Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in loo baahan yahay in…

GudahaWararka
October 17, 2023

Wasiirka Beeraha XFS oo shir looga hadlayey Arrimaha Beeraha uga qayb galay Dalka Jarmalka.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa Shir Caalami ah oo…

GudahaWararka
January 19, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida Danjire Yuusuf Cumar Al-Azhari 

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka…

GudahaWararka
June 3, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023