Muqdisho (SONNA): Kusimaha Ra’iisul wasaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qayb galay shirka bandhiga warbixinada mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya, kaas oo ka jawaab celinaya xasaradaha deg dega ah iyo soo bandhigidda baahiyaha maal gelineed ee Xarunta Qaran ee howlgalada gurmadka deg-dega ah. taas oo qayb ka ah hay’ada maaraynta masiibooyinka ee (SODMA).
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in mashruucani uu muhiim u yahay dalka, xiligaan dagaalka adag lagula jiro Khawaarijta, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay doorkooda muhiimka ka qaataan si dadkeennu u gaaro xasilloono buuxda.
Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in Khawaariijtu caadaysatay burburinta goobaha adeegyada bulshada, sida xarumaha caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada, sidaas awgeedna Xukuumadda #DanQaran dhinac waddo dagaalka khawaariijta barnaamijka xasillinta deegannada laga xoreeyey khawaarijta iyo dib-u-dejinta dadkii ka qaxay.
Mashruucaan oo ay iska kaashanayaan hay’adda SODMA iyo Bangiga Adduunka ayaa ah mid looga jawaabayo baahiyaha deg-degga ah ee ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ay ku cirib-tirayaan khawaarijta, isla markaana la gaarsiiyo adeegyada muhiimka ah deegaannada la xoreeyay, sida goobo caafimaad iyo biyo nadiif ah.