Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed
    June 6, 2026
    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka
    June 6, 2026
    Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah
    June 6, 2026
    Danjiraha Soomaaliya ee Geneva oo Ka Qaybgalaya Doodaha Heerka Sare ee Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah.
    June 5, 2026
    Ciidamada Amniga oo soo gabagabeeyay hawlgal lagu sugayay amniga Caasimadda
    June 5, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 24, 2024
1 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayay sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumadda #DanQaran dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dalka, isaga oo xusay in fursadaha jira ay sii dhiirigelinayaan amniga oo soo hagaagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, Tallaabooyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka soo qeyb galeen ganacsato ka socotay waddamada Bariga Afrika, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha waaweyn ee dhinaca maalgashiga ah ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo u baahan in lagu sameeyo maalgelin, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Baydhabo(SONNA);-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta bilaabay diiwaangelinta iyo qabashada araajida musharraxiinta…

June 6, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo gargaar gaarsiisay Baydhabo

Muqdisho (SONNA): Hay'adda maareynta musiibooyinka ee SoDMA ayaa maanta markale waxa ay shixnad gargaar ah u dirtay magaalada Baydhabo oo…

GudahaWararka
November 14, 2023

R/Wasaaraha XFS oo sheegay in ciqaabta sharci ee ugu adag la marinayo askari kasta oo gabood-fal ku sameeya shacabka

Muqdisho:-SONNA-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta shacabka kula tukaday salaaddii Jimcada Masaajidka Isbahaysiga Islaamka ee…

GudahaWararka
March 3, 2023

Wasaaradda Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixisay Howlgallo lagu dilay ku dhawaad 60 Khawaarij ah

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa howlgallo duqeyn ah ka fuliyay deegaannada Tardho ee gobolka Hiiraan, Ugunji ee gobolka…

GudahaWararka
April 15, 2026

Ra’iisul Wasaare ku-xiggeenka XFS oo ka qeyb galay xuska sanadguuradii kasoo wareegtay Af-gembigii fashilmay ee Turkiga.

Muqdisho (SONNA)-Ra'iisul Wasaare ku-xiggeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo maanta magaaladda Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda xuska…

GudahaWararka
July 15, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023