Bacaadweyn-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ay kamd yihiin Xildhibaan Cabdisalaan xaaji Axmed Dhabancad, taliye ku xigeenka ciidanka lugta ee xoogga dalka Jen. Cabdullahi Aadan Xuseen ayaa gaaray magaaladda Bacaadweyn ee Gobolka mudug oo saakay laga saaray khawaarijta.
Masโuuliyiin gaaray ayaa kormeeray guud ahaan magaaladda Bacaadweyne ee gobolka Mudug oo saaka cadowga laga xoreeyey khawaarijta iyo fariisimaha ciidamadu ka sameysteen banaanada magaalada.
Howlgalka saaka lagu xoreeyey bacaadweyne iyo Qeycad ayaa lagu dilay ku dhawaad 20 ka tirsan khawaarijta, iyada oo tiro intaa ka bandanna lagu dhaawacay.
Masโuuliyiinta oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay magaalada Bacaadweyn ayaa sheegay in Khawaarijta khasaare xooggan lagu gaarsiiyey isla markaana aan looga hari doonin meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.