Muqdisho(SONNA):-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo arimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliyaย madane Cismaan Libaax Ibraahim ayaa maanta daah-furay diiwaan-gelinta shaqaalaha KMG ah ee dowladda
Wasiirka ayaa sheegay in ujeedka tirakoobka shaqaalaha KMG ay tahay sidii loo dul-istaagi lahaa shaqaalaha shaqeeya ee xuquuqda dowladda ka qaato iyo kuwa iska maqan ee waxna qaban,waxa uu tilmaamay in Habraacyo guddiga ay dajiyeen la marsiin doono shaqaalaha KMG si aan loogu xad gudbin.
Wasiir kuxigeenka waxa uu sidoo kale sheegay in wixii ka dambeeyay 2016-kii dowlada aysan waxa shaqaalaha qaadan taa oo sii kordhisay shaqa la’aanta ka jirta dalka,shaqaalaha KMG ayuu u sheegay in aysan jirin cid ku xad-gudbi karto wasaaradda iyo guddigana ay mas’uuliyad ka saaran tahay.
Wasaaradaha dowaladda soomaaliya ayaa waxa marka laga reebo shaqaalaha u diiwaangashay dowladda ay jiraan kuwa KMG ah oo in mudda ah shaqeynayo dowladana ka qaato Gunno