Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Soomaaliya iyo Maraykanka oo iska kaashanaya la dagaalanka Al-shabaab (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya iyo Maraykanka oo iska kaashanaya la dagaalanka Al-shabaab (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Soomaaliya iyo Maraykanka oo iska kaashanaya la dagaalanka Al-shabaab (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 29, 2023
7 Min Read
Share

Maalinti Khamiista aheyd waxaa Magaalada Muqdisho Safar shaqo ku yimid Ku xigeenka Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka ee Arrimaha Argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mr: Brian Nelson, waxa uuna kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr: Xasan Sheekh Maxamuud oo u soo bandhigay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha Argagixisada Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucdaย  loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee Argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyay Ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen Argagixisadu ay soo dadejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ย kala hadlay Ku xigeenka Xoghayaha Maaliyada Maraykanka ee Arrimaha Argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mr: Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee Argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan Wejiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta iyo horumarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Mr: Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka goโ€™antahay dalkiisa in ay ku gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharic darada iyo la dagaallanka Argagixisada, iyadoo uuย Kaaliyaha Xoghayaha waaxda maaliyadda oo soo gaaray magaalada Muqdisho, waana safarkiisii labaad ee uu ku yimaado qaaradda Afrika, isagoo kulamo la qaatay Masuulliyinta dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo ay ka wada hadleen dhinacyada iskaashiga, si loo ballaariyo, islmarkaana looga gudbo caqabadaha iyo in loo tilaabsado fursadaha jira, safarkiisuna waxa uu ย ku qotomaa adkeynta xiriirka maaliyadeed ee Mareykanka la leeyahay qaaradda Afrika.

Kadib Shir jiraaโ€™id oo uu qabtay ayuu ku faah faahiyay ujeedka safarkiisa Muqdisho iyo guud ahaan qaaradda Afrika, โ€œaad baan ugu faraxsanahay in aan idinla joogno Muqdisho maanta dhammaantiin. Wa safarkeyga labaad ee aan ku imaado qaaradda Afrika, waxaana la kulmay dhiggeyga Soomaaliya iyo Kenya si aan uga wada hadalno dhinacyada iskaashiga, annagoo ballaarinayno iskaashiyadaasi si aan uga gudubno caqabadaha iyo in aan u tilaabsano fursadaha ina horyaallaโ€, ayuu yiri Mr: Nelson.

Mar uu ka hadlaayay kulamadii uu ku qabtay Dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayuu Kaaliyuhu yiri โ€œMuhiimadda ugu weyn ee kulamadii aan ku qabtay Muqdisho iyo Nairobi ayaa ahaa mid aan kaga wada hadlaynay sidii aan u xoojin laheyn iskaashigeena ee ka hortagga maalgelinta Argagixisada gobolka. Si taas loo gaaro, galinka dambe ee maanta, xafiiskayaga ee Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ayaa magacaabi doonta shaqsi caan ah oo ah maalgeliyaha Argagixisada, magacaabidtiisna waxay taageero u tahay dadaaladda Soomaaliya iyo Kenya ee lagu dhabar jibinaayo maalgelinta Argagixisada. Maanta waxaan kala hadlay Madaxda Soomaaliya sidii aan isaga kaashan lahenyn sii kordhinta saameynta arrintan ee lagu beegsanayo argagixisada ku dhaqan Soomaaliyaโ€

โ€œSaameynta ugu badan ee cunaqabataynta aan soo rogno waxaa la helaa markii aan la shaqeyno saaxiibadayada. Waxaan kala hadlay maamulada Soomaaliyeed ee heerka ugu sarreeya in ay muhim tahay in aan goor hore xogta wadaagno iyo in la fududeeyo baaritaanada, lana fuliyo tilaabooyinka ka dhanka ah maalgeliyayaasha iyo kuwa fududeeya falalka argagixisadaโ€, ayuu sii raaciyay.,

Kaaliyuhu Kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Masuuliyiin kale, waxay ka wada hadleen dhowr arrimood oo ay ugu waaweynaayeen,ย  1: horumarka laga gaarayo dhisidda awoodda lagula dagaalamayo lacagaha la dhaqo iyo maalgelinta argagixisada, tan 2-aad ย horumarka lagu horumarinayo dib-u-habeynta muhiimka ah ee u oggolaanaysa Soomaaliya in ay dakhligeeda u isticmaasho horumarinta dhaqaalaheeda halkii ay ku bixin lahayd deymaha. Iyo 3-aad: istaraatiijiyad cusub oo ka timid waaxda Maaliyadda Maraykanka oo ku saabsan wax ka qabashada khatarta dhaqaale, si aan u fududeyno howlaha xawaaladaha iyo gargaarka biniโ€™aadantinimo ee jaaliyadaha qurba-joogta ah ee ku dhaqan Maraykanka. Hagaajinta kontaroolada Soomaaliya u leedahay la dagaalanka lacagaha la dhaqo, maalgelinta Argagixisada, fidinta maalgelinta, iyo khataraha ka timaada ka dhuumashada cunaqabataynta waxay kalsooni ku beereeysa waaxda Bangiyada Maraykanka, taasoo tuseysa in waaxda maaliyadda ee Soomaaliya la kormeero laguna nidaamiyo si waafaqsan heerarka caalamiga ah iyo kuwa gudaha.

โ€œLaakiin safarkaygu kuma koobnayn kaliya ah shirarka dawladda. Waxaan la kulmey wakiilo ka socota qeybaha adeegyada Bangiyada iyo Xawaladaha Soomaaliya. Shirkadahan sida gaarka ah loo leeyahay ee safka hore ku jira waxay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaalanka lacagaha la dhaqo iyo maalgelinta Argagixisada, iyaga oo la shaqaynaya maamulada maxalliga ah. Waaxda Maaliyadda waxay si dhow ula shaqeysaa heyโ€™adaha maaliyadeed si aan u wadaagno macluumaadka ku saabsan dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah iyo in la hirgeliyo xeerarka AML/CFTโ€, ayuu yiri Kaaliyaha.

Dhinaca kale Mareykanka ayaa ogaaday in Cabdiweli Maxamed Yuusuf inuu yahay madaxa maaliyadda ee Daacish-Soomaaliya iyo xubin ka tirsan Daacish-ta Afrika oo dakhli ka soo saarta ISIS qeybinta qaaradda. ISIS- ama Daacishta Soomaaliya waxay ku howlan tahay baadda hey’adaha maaliyadeed, ganacsiyada maxalliga ah, iyo bixiyeyaasha adeegga lacagta Mobilada, iyagoo ka faa’iidaysanaya dayacanka hey’adaha Soomaaliya, si ay u maalgeliyaan hawlahooda, oo ay ku jiraan lacagaha Mobilada iyo Xawaaladaha.

โ€œWaxaa naga go’an inaan u isticmaalno Maamulkeena si aan u taageerno Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada ay kaga hortagayso dhaq-dhaqaaqyada maalgelinta argagixisada ee wax u dhimaya amniga qaranka Soomaaliya khatarna ku ah xasilloonida gobolkaโ€, sidaasi waxaa yiri masuul ka tirsan waaxda maaliyadda Maraykanka. โ€œTallaabadan waxaa loo qaaday si waafaqsan Amarka Fulinta ee 13224, ee wax laga beddelay, kaas oo bartilmaameedsada kooxaha argagixisada iyo taageerayaashoodaโ€, ayuu sii raaciyay MATTHEW MILLER, Afhayeenka Waaxda Maaliyadda Maraykanka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafti heersare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS, Md. Cabdillahi Bidhan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Muqdisho(SONNA):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska Danab ayaa howlgallo qorsheysan ka dhan ah Khawaarijta ka wada deegaanno…

GudahaWararka
November 16, 2025

Duqa Muqdisho oo furay shirka banbaxa maamulka gobolka Banaadir+Sawirro

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daah-furay shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir…

GudahaWararka
January 10, 2023

Raโ€iisul Wasaare Ku-Xigeenk oo furay munaasabadda Saxiixa Heshiiska iskaashi ee Hayโ€™adda NIRA Bangiyada Dalka

Muqdisho(SONNA):-Raโ€iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay munaasabadda Saxiixa Heshiiska Iskaashi…

GudahaWararka
August 25, 2024

Baarlamaanka oo ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka

Muqdisho(SONNA):-Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ayaa ansixiyay Xeerka…

GudahaWararka
November 16, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023