Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay
    May 12, 2026
    La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa
    May 12, 2026
    SoDMA oo gargaar raashin ah u qaybisay 2,000 oo qoys oo ku sugan Baardheere
    May 12, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Wasiir Fiqi oo faahfaahin ka bixiyey go’aankii DFS ee xafiiska UNSOM
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Wasiir Fiqi oo faahfaahin ka bixiyey go’aankii DFS ee xafiiska UNSOM
CaalamkaGudahaWararka

Wasiir Fiqi oo faahfaahin ka bixiyey go’aankii DFS ee xafiiska UNSOM

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 13, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii hore ku guuleysatey in dalka deynta laga cafiyo, cunaqabateynta hubkana laga qaado, kadib markii la dhameystiray hannaankii barnaamijyadaasi looga baahnaa.

Waxaa dhanka kale haatan socda hannaanka soo afjarista Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS oo soo socday muddo ka badan 15 sanno, lana filayo in 31-ka December ee sannadkan 2024-ka la soo gabagabeeyo.

In laga guul gaaro hannaanka fulinta barnaamijyadan waxaa door weyn ka qaatey Hawlgalka Qaramada Midoobay, oo Soomaaliya garab taagnaa tan iyo markii ay colaadaha la dilaaceen Soomaaliya.

Maadaama ay Soomaaliya sameyneyso horumar dhinacyo badan leh ayaa Dib u Eegis ay sameysay Qaramada Midoobay laba sanno ka hor waxaa ku xusnaa in Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNSOM loo rogo qaab joogitaan oo la mid ah waddamada kale ee caalamka, afka qalaadna lagu yiraahdo (Country Team).

Hannaankaasi ayaa haddii uu hirgalo waxaa uu Soomaaliya u jiheynayaa dhabbada dal caadi ah oo dimoqraadi ah oo si buuxda uga soo kabtey caqabadihii la soo gudboonaadey.

Haddaba Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ka duuleysa natiijada Dib u Eegista Qaramada Midoobay ay sameysay ayaa dhowaan warqad lagu dalbanayo qaabka loo fullinayo barnaamijkaasi u dirtay Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi oo wareysi siiyey warbaahinta Qaranka ayaa yiri, “Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa isku afgartay in Xafiiska UNSOM uu noqdo mid arrimahiisa ammaanka iyo siyaasadda lagu aamino dowladda Soomaaliya.”

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha dibadda XFS Axmed Macalin Fiqi oo sii hadlaya ayaa yiri, “Ujeedka ugu weyn ee warqadaha kasoo baxay dowladda ee ku socda Xafiiska UNSOM wuxuu ahaa in dowladda Soomaaliya  howlaheeda madax-banaanaato.”

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa si kulul u cambaareeyay afduubka markab…

May 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Trump oo wadahadallo dhanka canshuuraha ah la leh Madaxda Canada iyo Mexico

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in maanta uu la hadli doono dhiggiisa Mexico iyo Canada, maalin ka dib markii…

Caalamka
February 3, 2025

Khasaare Nafeed oo ka dhashay god ku dumay Macdan-qodayaal

Kinshasa-(SONNA)-Ugu yeraan 50 qof ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen ka dib markii uu ku dumay god macdanta laga…

CaalamkaGudahaWararka
September 12, 2020

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ku dhawaaqay qiimaha Xajka ee sanadkan

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaaqay in xujeyda Soomaaliyeed loo baajiyey lacag ka…

GudahaWararka
May 3, 2023

Qaar ka mid ah degmooyinka Puntland oo ay ka socdaan doorashooyinka golaha deegaanka

Garoowe-(SONNA)-Shacabka degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ee gobolka Nugaal ayaa saaka u dareerey doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka…

GudahaWararka
July 23, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023