Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
    Duqa Muqdisho oo xarig jaray wadada Sheekh Cali Suufi
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay saraakiishii fulisay hawlgalkii wadada Muqdisho-Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay Khawaarijta iyo beelaha degaannada bariga gobolka Galguduud (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay Khawaarijta iyo beelaha degaannada bariga gobolka Galguduud (Warbixin)
Maqaallada

Khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay Khawaarijta iyo beelaha degaannada bariga gobolka Galguduud (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: July 25, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Xiisad aad u adag oo u dhaxeyso maleeshiyada Al-shabaab ee gabalkooda sii dhacaya iyo odayaasha dhaqanka beelaha dega degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa ka taagan gobolkaas.

Xiisaddan ayaa cirka isku sii shareertay markii Khawaarijta Al-shabaab siyaabo kala duwan ay isugu dhaceen qabaa’ilada dega bariga gobolka Galguduud gaar ahaan degmada Ceelbuur, iyadoo xiisadda koowaad ay ka soo bilaabatay deegaanka Wabxo, halkaas oo dhallinyaro deegaanka oo ka carooday fal gacan qaad ah oo mid ka mid ah maleeshiyada Khawaarijta Al-shabaab uu u geystay gabar maqaayad ku iibineysay gudaha Wabxo.

Dhallinyarada ka carootay falkaas gacan qaadka ah oo saddex ahaa,islamarkaana maqaayadda ku sugnaa ayaa garaacis nafta ku dhaafsiiyay arxan-laawihii ka tirsanaa Khawaarijta Al-shabaab,iyadoo markaas ka dib, dhallinyarada Khawaarijta ee saddexda ah u soo qafaasheen degmada Ceelbuur.

Khawaarijtu, waxay go’aamiyeen in saddexda Dhalinyaro ahba la toogto, balse taas waxaa ka biyo diiday odayaasha dhaqanka Ceelbuur oo iyagu is hortaagay inaan dhiiggooda la daadin dhallinyaradan reer wabxo, taas oo keentay in ay isku dhacaan horjoogayaasha Khawaarijta Al-shabaab iyo odayaasha dhaqanka degmada Ceelbuur.

Dhinaca kale, isla odayaasha dhaqanka Ceelbuur iyo horjoogayaasha Khwaarijta Al-shabaab ee ku sugan degmadaas ayaa iyaguna ay xiisad xooggan sidoo kale, soo kala dhex gashay, taas oo ka dhalatay markii odayaal dhaqameedyo diiday in ay bixiyaan lacago baad ah ay Khawaarijtu ku soo rogtay laga soo qafaashay deegaanka Garable isla gobolka Galguduud ka tirsan.

Falkaas odayaasha reer Garable lagu soo qafaashay waxaa hoggaaminayo oo Ceelbuur ku soo xiray odayaasha dhaqanka horjooge Macallin Salaad Gabeyre oo ka soo jeeda isla deegaanka Garable, isagoo markii odayaal ka yimid deegaanka Ceel-garas oo Ceelbuur ugu yimidna uu si cad uga diiday inuu soo daayo odayaashaas adeeradiisa ah ee uu ka soo qafaashay deegaankaas.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda si cad uga biyo diiday in ay bixiyaan lacagtaas baadda ah ee Khawaarijta Al-shabaab ku soo rogeen odayaasha ugu xiran ceelbuur, waxayna odayaasha ku hanjabeen in ay dili doonaan wiilkooda ka falaagoobay ee horjooge Macallin Salaad Gabeyre.

Tani, waxay sii xoojisay Khilaafka horjoogayaasha Khawaarijta gabalkooda sii dhacaya ee Al-shabaab kala dhaxeeya dadka degan bariga gobolka Galguduud,iyadoo xiisaddanina ay gaartay meel aad u sareysa maaddaama horjoogayaasha ku jira Khawaarijta ee ka soo kala jeeda labada beel ee deegaankaas dega aanay dooneyn in laga hor yimaado amaradooda, taas oo keentay in dhexdooda isgaad-gaad ka bilowdo.

Odayaasha dhaqanka ee degmada Ceelbuur ayaa ahayn odayaashii ugu horeeyay ee si toos isaga hor yimaadaan maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana sidan oo kale, Al-shabaab uga hor yimid odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, iyadoo Khilaafkaas uu soo dedejiyay cimriga joogitaanka Al-shabaab ee gobolkaas.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daah-furay madasha isku-duwidda qaybta…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Doorka warbaahinta qaranka ee la dagaalanka khawaariijta

Muqdisho(SONNA):- Warbaahinta dowladda ayaa kaalin weyn ka qaadatay jabinta maleeshiyaadka Khawaarijta ah,ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa weeraro joogto…

MaqaalladaWararka
March 20, 2023

Soo laabashada Ciidanka illaalada qaranku waa dhamaadka kooxda khawaariijta(Warbixin)

Muqdisho(Sonna):-In ay diyaar yihiin Ciidanka ilaallada qaranka Gaaska koowaad ee Duufaan maka dhigan tahay dhammaadka khawaariijta naf la caariga ah?…

MaqaalladaWararka
January 3, 2023

Khasaaraha gaaray Khawaarijta kadib Billo ay wajaheen dagaal adag (Warbixin)

Muqdisho.(SONNA):- Maleeshiyada Khawaarijta ah ee gabalkoodu sii dhacayo Khasaarihii ugu badnaa ayaa lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee lagula galay…

GudahaMaqaalladaWararka
January 7, 2023

Wakaaladda Wararka SONNA oo u dabbaaldageysa Xuska 56-aad (Warbixin)

Marka laga yimado aasaaska Wakaaladda Wararka SONNA oo fikrad ahaan xambaarsanaa rabitaanka bulshada, ka hor waxaa jiray 2- Idaacadood oo…

MaqaalladaWararka
January 8, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023