MUQDISHO-(SONNA)-War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Hay’adda Tayo-Dhowrka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Hay’addu ay heshiis la gashay Shirkadda Caalamiga ah ee Bureau Veritas, si loo hubiyo tayada Badeecadaha imaanaya Soomaaliya.
Bayaanka ka soo baxay Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliya ayaa lagu yiri “Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed, iyadoo gudanaysa mas’uuliyadda ka saaran hubinta tayadda badeecadaha soo gala dalka iyo dhowrista bedqabka dadwaynaha Soomaaliyeed iyo bii’ada ay ku nool yihiin isla markaana hirgelinaysa go’aankii Madaxweynaha oo ahaa ‘’in dalkan uusan marnaba noqon doonin qashin-qub la keeno badeecaddaha dhacay iyo kuwa tayadooda ay hoosayso’’ ayaa waxaa ay heshiis tayadda lagu hubinayo la gashay Shirkadda Caalamida ah ee Bureau Veritas (BV).
Shirkadda Caalamida ah ee Bureau Veritas (BV), oo ah shirkad caalami ah kana shaqaysa wadamo badan ayaa heshiiska ay la gashay Hey’adda Tayo-dhawrka, waxaa uu dhaqangal noqonayaa 15/07/2023.
Warka qoraalka ah ee ka soo baxay hey’adda ayaa lagu sheegay in 22-ka bishaan ay qaban doonaan Barnaamij weyn oo lagu soo bandhigi doono heshiiskaan iyo Barnaamijyo kale oo muhiim ah. Waxaana ka soo qeybgalaya mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda, Ganacsatada Soomaaliyeed, Urarada Bulshada Rayidka ah iyo daneeyaasha caalamka.