Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
    Ciidanka daraawiishta Puntland oo burburiyey Talisyo khawaarijtu ku lahayd Togga Baallade
    June 6, 2025
    Guddoomiyaha aqalka sare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo laabtay
    June 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Shirkii wadatashiga oo ku soo dhammaaday jawi is Afgarad ( WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shirkii wadatashiga oo ku soo dhammaaday jawi is Afgarad ( WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Shirkii wadatashiga oo ku soo dhammaaday jawi is Afgarad ( WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 15, 2023
8 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku casuumay Madaxda talada heysa haatan iyo Madaxdii hore, si ay uga soo qeyb galaan shir muhiim ah oo wadatashi ah oo lagu lafaguro arrimo ku aadan xaaladda Dalku ku sugan yahay iyo sii waddi geeddiga habboon.

Shirkaasi oo socday  muddo laba maalmood ah ayaa Muqdisho ka furmay, waxaana ka qeybgalay Madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray qaarkood, Ra’iisul wasaareyaashii hore, Afhayeennadii hore ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale, iyadoo  inta uu socday shirka ayaa waxaa la iska xog wareystay xaaladda dalka uu maraayo, iyadoo Madaxda talada haatan dalka haysa ay dhegeysatay talada Madaxdii hore ee ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee Qaranka.

Shirkan ayaa waxaa lagu timaamay inuu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya, sidaasi aawadeed ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Dr:Xasan Sheekh Maxamuud uu casuumaad rasmi ah u fidiyay siyaasiyiinta iyo Madax dalka  horay xilal kala duwaan uga soo qabtay, si ay uga qeyb qaataan geedi socodka siyaasadeed iyo jaheynta mustaqbalka Doorashooyinka dalka.

shirkaan oo ahaa shirkii ugu horreyay oo nuuciisa oo kale ah oo aan hore loogu qaban Dalka gudahiisa, islamarkaana uusan wax Ajaaniib ah ku dhex jirin oo ay isugu yimaadan dowladda iyo madasha siyaasiyiinta, waxaa sidoo kale shirka ku soo biiraya labada guddoomiye baarlamaan iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo badi shirka diirada lagu saaray arrimaha jaheynta doorashooyinka iyo sidii ay u gorfeyn lahayeen arrimaah la xiriira go’aanadii ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee Maamul goboleedayda,gobolka Banaadir iyo dowladda dhexe ay ku yeesheen magaaladda Muqdisho, inta aan la horgeyn labada gole ee Baarlamaanka JFS.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeyey Madaxda Qaranka iyo Madaxdii hore ee Dalka, isagoo sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay soo dhoweyneyso talooyinka wax-ku-oolka ah ee shirka iyo guud ahaan kuwa ka imaanaya dadka Soomaaliyeed, si loogu biiriyo hiigsiga Xukuumadda ee ku addan amniga guud ee dalka, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo ciribtirka kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Shirka oo soconayay muddo laba maalmood ah ayaa ku soo dhammaaday jawi wanaagsan oo rajo gelinaya ummadda Soomaaliyeed, iyadoo laga soo saaray warmurtiyeedka, markaasi kadib ayuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ku soo gaba-gaboobay Magaalada Muqdisho, wuxuuna uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi raaciyay in muhiim ay tahay in la dhageysto tallada iyo aragtida Shacabka iyo mas’uuliyiintii hore iyo kuwa hadda hadda xukunka haya, taas oo horseedeysa in la gaaro go’aan mideysan oo ku saleysan horumarka iyo geeddi socodka nabadda.

” Odayaashaas siyaasiyiin hore oo Dalka soo xukuntay haddii ay tahay heer Dowlad dhexe iyo heer Dowlad gobolleed, kuwo kale oo hami leh in ay hadda dalka xukumaan raba ku jiro, waa isku nimiday labo maalmood oo dood aniga aragtideyda oo aad iyo aad u fiican ayay ahayd, ra’yi fiican, Araah fiican oo qurux badan qaarkood kuwii annaga aan qabnay ka qurux badan yihiin ayay walaalaheen soo jeediyeen, tixgelin ayay leeyihiin, shirkaas iyo shirar kale oo dambe ayaa la isku imaan doonaa,”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrimaha dastuurka, ayaa yiri-” Dastuurka bilo gudahooda inshallahu waa dhammeystireynaa, dadka Soomaaliyeed in ay u codeeyaan six xor ah in loo qaado waa howl kale,tallaabo kale in la qaado waaye,laakiin Buug la leeyahay, Buuggan waa dastuurkii oo dhammeystiran waa inuu naga yimaadaa, waxaan mamnuucnay in Dastuurka bannaanka looga soo tashado, Neefaasho iyo IStanbul lala aado, mamnuuc ma dhaceyso,Soomaali ayaa iska leh dalkan Soomaali gudihiisa ayaa looga taahanaa,”.

Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay Madaxweynaha, waxayna ay sheegeen in dowladda Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan halganka Ciidamada iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee Argagixisada Khawaarihta ah ee Alshabaab lagu cirib tirayo.

Casho sharaftaasi waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Masuuliyiin maqaam sare ka haya Dowladda waxaana ka mid ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi.

Dhinaca kale dad badan oo isugu jiri Masuuliyiin kala duwan iyo falanqeeyayaal arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa ka fal celiyay qabsoomiddii shirkii ku soo idlaaday Magaalada Muqdisho, waxayna ka dhiibteen fikrado inta badan ku tilmaamay inuu ahaa mid loo baahan yahay,kuna soo aaday xilli loo baahnaa, mar haddii ay wada tashanayaa Masuuliyiinta haatan talada Dalka heysa iyo siyaasiyiintii hore xilal kala kuwan ka soo qabtay, islamarkaana loo sheegay in loo baahan yahay talooyinkooda, waxay xuseen inay tahay arrin fiican.

“Ugu horreyn waxaan soo dhoweynayaa shirarka wada tashiga Qaran ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ee ka qabsoomay Dalka. Waxaan amaanayaa niyad wanaaga Madaxweynuhu ku doonayo in uu Siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada dhegaysto oo ka raadiyo talooyin fayow oo la xidhiidha horumarinta Dawlad-dhiska Soomaaliya, isagoo farta ku goday in waxa qudha ee aan hubo in laga faa’iidayo kulankan waa in Golahan sidaas u dhisnaado oo mucaarado qorshayaasha iyo hawlaha Dawladda badankooda ilaa 2026-ka”,sidaasi waxay yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

“Laakiin waxaa filayaa in aanu Madaxweynuhu halkan ku joojin doonin latashiga ee uu sidan kale Golle latashi u dhisi doono oo la kulmi doono qaybaha bulshada ee talada fayoobi ee aan danaha Siyaasadeed ku dhex qasneyni ka imaan karto sida Golaha Culimada, Golaha Dhaqanka, Golaha Ururada Bulshada Rayidka ee dalka ka jira, Golaha Looyarada iyo Aqoonyahanada, Golaha Dhalinyarada, Golaha Ururada haweenka iyo dabcan golayaasha Dawladda ee Dastuuriga ah iyo Golaha Madasha Qaranka ee Maamul Goboleedyada & Dawladda si talada dalka dhinacyada looga wada fadhiisto”, sidaasi waxaa qoray Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, horeyna u soo noqday Wasiir.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si…

June 7, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo qaabbilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Danjire Mike Nithavrianakis, Safiirka…

GudahaWararka
September 18, 2024

Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurka Oof-wareenka (warbixin)

Dalalka dunida ayaa manta u dabbaaldegaya xuska  munaasabadda 12-ka Nofembar oo ah maalinta wacyigelinta cudurka ku dhaca sanbabaha ee loo…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

General Biixi oo shir Guddoomiyay kulan looga hadlay ciribtirka argagixisada “SAWIRRO”

Bacaadweyn…SONNA…Taliyaha ciidanka dhulk xoogga dalka General Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta shir Guddoomiyay kulan looga hadlay ciribtirka argagixisada goobaha ay…

GudahaWararka
July 21, 2021

Dowladda Soomaliya oo xaqiijisay in hawlgalada dalka ka socda lagu dilay in ka badan 3000 oo khawaariij ah

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaliya oo xaqiijisay in hawlgalada dalka ka socda lagu dilay in ka badan 3000 oo khawaariij ah Dowladda Federaalka…

GudahaWararka
March 25, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023