Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho
    September 28, 2025
    Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?
    September 28, 2025
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Ra’iisal wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda shaqada iyo wasiirkii hore ee wasaaradda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisal wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda shaqada iyo wasiirkii hore ee wasaaradda
GudahaWararka

Ra’iisal wasaare Xamse oo xilka u kala wareejiyey wasiirka cusub ee wasaaradda shaqada iyo wasiirkii hore ee wasaaradda

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: July 12, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr.Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda muddane Biixi Iimaan Cige, kaddib munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda oo uu goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka soomaaliya mudane Xamze Cabdi Bare.

Xafladda waxaa kalo ka qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka, howlwadeenada wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee wasaaradda mudane Mudane Biixi iimaan Cige ayaa sheegay muddadii uu joogay xafiiska inuu dadaal ku bixiyay sidii sare loogu qaadi lahaa hawlaha wasaaradda, wuxuuna soo hadal qaaday in shuruuc dhowr ah oo muhiim u ah dalka la hirgeliyay, kuwa kalana la ansixiyay. Wuxuu inta ku daray inuu wasiirka cusub kala shaqeyn doono sidii horey loogu sii wadi lahaa shaqooyinka ay qabaneyso wasaaradda.

“Waxay ii tahay sharaf inaan qayb ka ahaado taariikhda wasaaraddan, muddadii aan hoggaaminayay Wasaaraddan waxaan ku dadaalay inaan dhiso hay’ad gudan karta waajibaadka qaranku u idmaday” ayuu yiri wasiir Biixi Iimaan.

Wasiirka xilka la wareegay  Dr.Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa sheegay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada inay laf-dhabar u tahay horumarinta bulshada iyo dowladnimada, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirkii hore dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta Wasaaradda.

“Waxaan dadaal ku bixinaynaa sidii horey aan ugu sii wadi lahayn wasaaraddan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed , waqtiga aan heysanno waxaan xoogga saari doonaa dardargalinta howlaha wasaaradda.” ayuu yiri Dr.Maxamed Cilmi

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Bare ayaa boggaadiyey shaqooyinkii uu soo qabtay wasiirkii hore, isaga oo Wasiirrka Cusub ugu hambalyeey wajibaadka qaran ee uu bulshada u qaaday, sidoo kale waxa uu Ra’iisal wasaaraha carabka ku adkeeyey in wasaaradda ay der dergeliso nidaamka dib u habeynta loogu sameenayo shaqaalaha dowladda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Dr. Aadan Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dhismaha Xabsiga Weyn ee Gaalkacyo oo billaawday+Sawirro

Muqdisho (SONNA)- Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo ay wehliyaan masuliyiin ka tirsan dowladda Hoose ee Galkacyo ayaa maanta…

Wararka
July 28, 2020

Wasiirka Cadaaladda XFS oo ka warbixiyay howlaha baaxadda leh ee ay u qabtaan bulshada

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda XFS, mudane C/qaadir Maxamed Nuur oo manta ka qeybgalay Barnaamijka Kulanka Todobaadka ee warbaahinta qaranka ayaa sheegay…

Gudaha
January 7, 2023

Wasiirka cadaaladda oo saxiixay siyaasadda hubinta da’da carruurta

Muqdisho (SONNA): Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa maanta saxiixay Siyaasadda Qaran ee hubinta da'da…

GudahaWararka
August 1, 2023

Hoggaanka ciidanka Sudan oo ogolaaday xabad joojin dheeraad ah

Hogaamiyaha  Ciidamada Sudan ayaa muujiyay sida uu diyaarka ugu yahay 72 saacadood  oo xabad-joojin dheeraad ah,xilli ay sii socdaan dagaalada…

Caalamka
April 27, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023