Dhuusamareeb-(SONNA)- Ku simaha Madaxweynaha Galmudug, Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka arrimaha gudaha XFS Axmed Macallin Fiqi ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka furay Shir ku saabsan Xasilinta deegaanadii laga xoreeyay Khawaarijta.
Shirka ayaa looga hadlayaa Barnaamijyada daryeel iyo deegaan ayaa ka faa’ideysanaysa bulshada ku dhaqan goobaha laga xoreeyay Khawaarijta, iyadoo la darsayo baahiyaha halkaasi ka jira.
Shirkan waxaa kale oo qeyb ka ah mas’uuliyiin leh heerarka kala duwan ee dowladnimada iyo xubnaha beesha caalamka, waxaana diiradda lagu saari doonaa barnaamijyada ku saabsan xasilinta deegaannadii dhowaan laga xoreeyay khawaarijta iyo in lagula xisaabtamo laguna daba galo wixii u qabsoomay hay’adaha halkaasi ka howl galaya.
Wasiir Fiqi ayaa yiri”Hay’adaha waa lagula xisaabtamayaa mashaariicda ay dalka ka fuliyaan si loo hubiyo in sidii la rabay looga faa’iideystay”.