Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed
    October 30, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay kaalintii Jamhuuriyadda Jabuuti ee geeddi-socodka nabadda Soomaaliya
    October 30, 2025
    Guddiga howlaha xasilinta oo maanta shirkii bilaha ahaa ku yeeshay xarunta Haya’adda SODMA
    October 30, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo si wadajir ah xarigga uga jaray dhismaha Taaladda Nabadda
    October 30, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday xarunta Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka
    October 30, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh” Waxaan mar dhow u dabaal-degi doonaa Dalkeenna oo Khawaarij la’aan ah”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Madaxweyne Xasan Sheekh” Waxaan mar dhow u dabaal-degi doonaa Dalkeenna oo Khawaarij la’aan ah”
Maqaallada

Madaxweyne Xasan Sheekh” Waxaan mar dhow u dabaal-degi doonaa Dalkeenna oo Khawaarij la’aan ah”

By Dahir Aadan Cali
Last updated: July 9, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Kooxda Khawaarijta Al-shabaab fikirkooda gurracan ee lagu soo dhex qariyay ka been sheegidda Diinta Islaamka waa mid ku dhisan suurad xumeynta iyo baabi’inta Dal,Diin,duunyo,Dhaqan iyo wax kasta oo baadi sooc u ahaa ummadda Soomaaliyeed, iyagoo beegsi aan xishood lahayn kula dhaqaaqay bur burinta goobaha cibaadada, masaajida, Dugsiyada qur’aanka, goobaha waxbarashada, caafimaadka ceelasha biyaha, waddooyinka halbowlaha u ah Bulshada  iyo wax kasta oo furo u ahaa nolosha.

Dadka sida dhow ula socda bilowga fikirka Al-shabaab iyo halka laga soo raray ayaa sheegay in aragtida fowdada gaaleysiinta,daadinta dhiigga,dhaca hantida dadka iyo sameynta falkasta oo laga argagaxo iyo gabaad ka dhigashada Diinta ay tahay wax ka badan wax ka soo fula maanka horjoogayaasha Soomaalida ee Al-shabaab ka tirsan,kuwaas oo aan si ka fiirsi lahayn u fuliya ficilna u roga hadba waxa ay u yeeriyaan shisheeyaha argagixisada caalamiga ah ee maleeshiyada u jeexa dariiqa ay ku ambadeen ee taga cadaabta.

Markii ay shacabka ku baraarugeenna in argagixisada Al-habaab ka been sheegaan Diinta iyo dhaqanka suuban ee Islaamka oo ay ku banneystaan nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed mar qura ayay dagaallo abaabulan oo hubeysan kala hortageen,iyagoo garab ka helaya qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga Dalka, waxayna garowsadeen in ay iska shicin karaan kana xoreyn karaan deegaannadooda, taas oo horseeday in goobo badan oo dalka ka mid ah laga saaray Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhowaan dadka Soomaaliyeed u dabaaldegi doonaan maalin weyn oo ku suntan dalkan oo Khawaarij la’aan ah.

” Walaalayaal waad ogtihiin dalku xaalad dagaal ayuu ku jiraa, cadow aan ummaddam jiritaankeeda iyo Diinteeda,Dalkeeda iyo dadkeeda midna aanay waxba ku faleyn ayaa dagaal kula jirnaa,ummadda Soomaaliyeed ayaa kula jirta, ma ahan Dowlad kaliya,shacabkana cadowga waa u muujisay inaanay raali ka ahayn, aanay rabin qasabna ku haysan karin oo ku dul fadhiyi karin, ummadda meel kasta oo joogto waa ay fahmeen, cadowgana maalmihiisii ugu dambeeyay ayuu ku jiraa, waxaa noo soo muuqata maalin weyn oo ah Dalkan oo Shabaab la’aan ah,” ayuu yiri madaxweynaha.

Khawaarijta Al-shabaab ayaa hadda wajahaya culeyskii ugu weynaa ee abid ay la kulmaan, waxaana lagu soo waramayaa in horjoogayasha iyo maleeshiyadood ay go’doon ku yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan la qaatay qaar ka mid ah haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay…

October 30, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Sooyaalka Taariikhda waxbarashada Soomaaliya (Faallo)

Hordhac Waxbarashada Soomaaliya waxay soo martay heerar iyo marxalado kala duwan. Wixii ka horreeyey qabsashadii gumeystayaashii reer Yurub dabayaaqadii qarnigii…

Maqaallada
March 24, 2025

Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka xasillinta caasimadda (Warbixin).

Muqdisho.(SONNA):- Kordhinta tirada iyo tayada ciidanka sugaya amniga caasimadda waxay ahayd howl ay Dowladdu gelisay dadaal iyo juhdi xoog leh,…

Maqaallada
May 23, 2023

Khawaarijta Al-shabaab oo lagu jabiyey dagaalka tooska ah

Muqdisho.(SONNA):- Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa ku jabay dagaalka tooska ah ee ay la galeen ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya xoogagga…

GudahaMaqaalladaWararka
March 12, 2023

Horjooge si weyn loo doonayey oo lagu dilay gobolka Jubbada hoose

Muqdisho. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheynaa oo ciidanka DANAB ay ka fuliyeen deegaanno hoostaga magaalada Kismaayo…

Maqaallada
June 5, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023