Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxwaynaha Bangaladesh oo aqoonsiga danjire ka guddoomay safiirka Soomaaliya
    November 26, 2025
    Golaha Shacabka oo yeeshay kalfadhigoodii 15-aad
    November 26, 2025
    Guddoomiye Mungaab oo ka qayb galay Shirka Ururka Magaalooyinka Carabta
    November 26, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo Axmed Xasan u magacaabay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Caddaaladda
    November 26, 2025
    Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintii saddexaad
    November 26, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadahaย (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Xogta Khasaaro culus oo Khawaarijta ka soo gaaray howlgal Ciidamada ay ka fuliyeen gobolka Sh/Hoose (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Xogta Khasaaro culus oo Khawaarijta ka soo gaaray howlgal Ciidamada ay ka fuliyeen gobolka Sh/Hoose (Warbixin).
Maqaallada

Xogta Khasaaro culus oo Khawaarijta ka soo gaaray howlgal Ciidamada ay ka fuliyeen gobolka Sh/Hoose (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 14, 2023
2 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa howlgal culus ku qaaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab oo meelo kala duwan laga keennay.

Waxaana loo abaabuli rabay qaadidda weeraro ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adaha ammaanka oo garabka helayay shacabka ayaa helay xogtan ku aaddan is uruursiga maleeshiyada Khawaarijta, intaas ka dib waxay qaadeen howlgal aad loo qorsheeyay lagana digtoonaa in ay dhibaato ka soo gaarto Bulshada.

Halka ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ah ayaa ah meel bannaanka ka ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalkan ay ciidamadu ku qaadeen deegaankan ay ku sugnaayeen Khawaarijta waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho dhaawac oo soo gaaray argagixisadii dhagarta maleegayay.

Maleeshiyada Al-shabaab ee lagu qaaday howlgalka afjarka ah waxaa hoggaaminayay horjooge magaciisa lagu sheegay Salmaan Dheere, kaas oo ku-xigeen u ah horjoogaha Al-shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha hoose oo magacyo badan leh sida Macallin Xaashi, Tabliiq iyo Cabdi-Kariim, intaa oo magacyo ah wuxuu ula baxay banneysiga dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Horjooge Salmaan Dheere oo bartilmaameedku uu ahaa,xog aan helnay waxay sheegeysaa inuu soo gaaray dhaawac culus. Waxaana la tilmaamayaa maleeshiyaadkii qaaday dhaawaciisa ay ku hayaan meel aan cusbitaal lahayn.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa muddooyinka waday howlgallo lagu soo afjarayo Khawaarijta Al-shabaab, kuwaas oo ka dhuumanaya caddaalada iyo gacanta ciidamada qalabka sida.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025

Dooxa (SONNA): Xulka kubadda cagta Qarankeena Soomaaliya ayaa galabta guuldarro aysan u qalmin kala kulmay…

November 26, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Damacii Abiy ee Badda oo guray (WARBIXIN)

Itoobiya oo ah dalka ugu dadka badan caalamka oo aan bad laheyn ayaa si toos ah u weyday marinka badda…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
February 7, 2024

Soomaaliya oo 54 Sano ka dib xubin ka noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

(SONNA โ€“ New York) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xubin aan joogto ahayn kaga mid noqotey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay,…

Maqaallada
January 2, 2025

Doorka warbaahinta qaranka ee la dagaalanka khawaariijta

Muqdisho(SONNA):- Warbaahinta dowladda ayaa kaalin weyn ka qaadatay jabinta maleeshiyaadka Khawaarijta ah,ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa weeraro joogto…

MaqaalladaWararka
March 20, 2023

‘waxaa la soo gaaray meeshii aad uga hari lahaydeen’ (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):-Sida ay xaqiijisay Haya'adda duulimaadyada Rayidka Soomaaliyeedย  ayaa sheegtay in duulimaad Lambarkiisu yahay 8372 ee Ethiopian Airlines oo aan fasax…

GudahaMaqaalladaSiyaasadda
January 18, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023