Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda
    May 13, 2026
    Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo Baydhabo kulan kula yeeshay hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed
    May 13, 2026
    Wasaaradda Gaadiidka oo ka dalbaday isbedel muuqda dhammaan hay’adaha ka shaqeeya Garoonka Aadan Cadda
    May 13, 2026
    Taliye Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gaaray Baydhabo
    May 13, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kampala kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Sacuudiga
    May 13, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Maxaa suurta geliyay isbeddelka caasimadda iyo ka hortagga weeraradii Khawaarijta? (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maxaa suurta geliyay isbeddelka caasimadda iyo ka hortagga weeraradii Khawaarijta? (Warbixin).
Maqaallada

Maxaa suurta geliyay isbeddelka caasimadda iyo ka hortagga weeraradii Khawaarijta? (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 18, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Weeraradii ay argagixisadu ka geysan jirtay Muqdisho oo bilihii la soo dhaafay aad u yaraaday, ma ahayn howl aad u sahlan oo iska timid, balse waxay ku timid dadaal iyo juhdi xoog leh oo ay wadajir u muujiyeen ciidamada qaranka, kuwaas oo hurdo iyo nasiino ka doorbiday in ay shacabka nabad ku hurdaan.

” Wada-shaqeynta ciidamada amniga hay’adaha ammaanka runtii oo waagii hore gaab ku kala jiri jiray, haddana sidaad la socotaan ciidamada ammaanka haddii ay ahaan lahayd Boolis,Nabad sugid iyo Boolis-Militaro si wadajir ah u wada shaqeeyaan, hal meel ayay ka wada Amar qaataan,halkii sarkaal ee u yimaadana oo ciidamada ka mid ahna ka wada Amar qaataan, hal commender ayay leeyihiin, madaxda dalka oo uu madaxweynuhu ugu horeyana nagu hageyso in cadowga ummmadda Soomaaliyeedna si wadajir ah loola diriro,taas oo laga dhabeeyayna waxay dhabar jab ku noqotay Khawaarijta iyo xogta oo shacab iyo ciidanba wadaagaan,” ayuu yiri taliyaha Booliska gobolka Banaadir.

Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee dadku cibaadeystaan, waxay Khawaarijtu u ahayd bartilaameed gaar ah oo ay ku kordhiyaan daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeded.

Laakiin, Bishii Ramaadaan ee ugu dambeysay wa ay ka duwaneyd bilihii hore.

” Waxaan kale oo aan ka mahad-naqeynaa, Ramadaankii oo si sharaf leh ku soonay, taasi sacab laguma qarin karo, 100%-na waa ka mahad-naqeynaa, 17ka marka la gaaro Beder waa iyo biyo ayaa uruursan jirnay iyo raashiin, sanadkan ma dhicin marka taas oo mahad-naqa koowaad, ” ayay tiri mid ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku diirsaday neecowda nabadda ee ka jirta Muqdisho.

” Amniga Muqdisho laga dareemay bishii Ramadaan, waxay ahayd howl la wada qabtay, laakiin sida Duniyo u sheegtay ciidamadeenna qabtay, gaar ahaan dhallinyarada soo jeesatay ee doonaya in ay dalka hagaajiyaan, haddii maalin walba lagu hey jiray ciidamada waa xun yihiin jidka ayay isbaaro dhigtaan, dadka ayay qash-qashaadaan,dadkey handadaan, maanta waxa waaye, mataal fiican ayay u yihiin,” ayuu yiri madaxwynaha JFS.

Wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka sida Booliska, nabad-sugidda iyo ciidanka gaar ah ee Boolis-Militaro, ayaa dhexda u xirtay in ay ka hortagaan qorshe kasta oo Khawaarijta ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay natiijada ka dhalatay wada-shaqeynta ciidamada amniga iyo shacabka ayaa yiri ” Waa markii ugu horeysay ama koowaad oo ay timaado, Militari,Boolis iyo Nabad-sugid  wada shaqeynaya si dhab ah oo habeen iyo maalin u taagan, waaxay inoo dhashay natiijo cusub oo aan hore loo arag oo ah shacab iyo ciidan isku faraxsan oo gacamaha is haysta oo habeenkii soo wada jeeda oo wada shaqeynaya, natiijadan ayay keentay”.

Dadaallada ciidanka Dowladda ee u taagan ilaalinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ayaa hoos u dhigay weeraradii iyo ficiladii Khawaarijtu ay ka geysan jireen caasimadda Muqdisho.

Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka ayaa shaacisay 70%, waxaa hoos loo dhigay falalkii amni-daro ee Khawaarijtu ay ka geysan jirtay magaalada Muqdisho.

” Wasaaradda amniga gudaha waxay soo bandhigeyaaa Dikumenti ku saabsan hoos dhac 70% ah ayaa ku yimid, dhacdooyinkii Khawaarijta, saddexdii bil ee Febraay, Maarso iyo April,isbedelka falalka Khawaarijta waa Febraayo oo 49 ahayd ilaa April 16 noqotay, haddaba hoos u dhaca waa 67%, waxaa ka dhihi karaa boqolkiiba waxay falalka Khawaarijtu hoos u dhaceen 70%,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga gudaha XFS.

Ciidamada amniga oo kaashanaya xogaha ka soo gaaraya dadka shacabka ah ayaa ku guuleystay in ay xakameeyaan falalka guracan ee Khawaarijtu shacabka Muqdisho ku dhibaateyn jireen, waxay ugu tageen gododka iyo xarumaha ay kaga dhuumaaleysan jireen deegaannada duleedka ka ah caasimadda dalka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa bur buriyay fariisimihii lacagaha baadda ah ee argaguxisadi uga qaadi jirtay ganacstada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho, kuwaas oo hadda si nabad oo cabsi la’aan ah u ganacsado,islamarkaana u hoggaansamay amarkii Dowladda ee lagu cunaqabateeyay dhaqaalaha Khawaarijta iyo baaddii ay uruursan jireen.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Muqdisho, Soomaaliya, 13 May 2026: Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Cabsan mayno Maanta Cudud baynnu leenahay (WARBIXIN)

Xiisada Geeska Afrika ayaa soo cusboonaatay dabayaaqadii bishii Agoosto markii labo diyaaradood oo kuwa Xamuulka ah oo Milateriga Masar ay…

GudahaMaqaallada
September 28, 2024

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay sannad guuraddii 71-aad ee ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee…

GudahaMaqaallada
October 12, 2025

Dhibaatada maandooriyaha( WARBIXIN)

Muqdisho (SONNA) Maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan sida Xashiishka, Jaadka, Tubaakada, Taabuuga IWM ayaa dhibaato ku haya bulshada gaar ahaan dhalinyarrada…

Maqaallada
January 16, 2023

Taxanaha Taariikh Tacliinta Soomaaliya (MAQAAL)

HORDHAC Tacliintu Waa nidaamka Waxbarasho ee wadanka Soomaaliya. Sida saxda ah, Wasaaradda Waxbarashada ayaana ka mas’uul ah dhammaan tacliinta iyo…

MaqaalladaWaxbarashada
June 10, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023