Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris
    June 8, 2025
    Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka  oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri
    June 8, 2025
    Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka
    June 8, 2025
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Maxaa suurta geliyay isbeddelka caasimadda iyo ka hortagga weeraradii Khawaarijta? (Warbixin).
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Maxaa suurta geliyay isbeddelka caasimadda iyo ka hortagga weeraradii Khawaarijta? (Warbixin).
Maqaallada

Maxaa suurta geliyay isbeddelka caasimadda iyo ka hortagga weeraradii Khawaarijta? (Warbixin).

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 18, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Weeraradii ay argagixisadu ka geysan jirtay Muqdisho oo bilihii la soo dhaafay aad u yaraaday, ma ahayn howl aad u sahlan oo iska timid, balse waxay ku timid dadaal iyo juhdi xoog leh oo ay wadajir u muujiyeen ciidamada qaranka, kuwaas oo hurdo iyo nasiino ka doorbiday in ay shacabka nabad ku hurdaan.

” Wada-shaqeynta ciidamada amniga hay’adaha ammaanka runtii oo waagii hore gaab ku kala jiri jiray, haddana sidaad la socotaan ciidamada ammaanka haddii ay ahaan lahayd Boolis,Nabad sugid iyo Boolis-Militaro si wadajir ah u wada shaqeeyaan, hal meel ayay ka wada Amar qaataan,halkii sarkaal ee u yimaadana oo ciidamada ka mid ahna ka wada Amar qaataan, hal commender ayay leeyihiin, madaxda dalka oo uu madaxweynuhu ugu horeyana nagu hageyso in cadowga ummmadda Soomaaliyeedna si wadajir ah loola diriro,taas oo laga dhabeeyayna waxay dhabar jab ku noqotay Khawaarijta iyo xogta oo shacab iyo ciidanba wadaagaan,” ayuu yiri taliyaha Booliska gobolka Banaadir.

Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee dadku cibaadeystaan, waxay Khawaarijtu u ahayd bartilaameed gaar ah oo ay ku kordhiyaan daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeded.

Laakiin, Bishii Ramaadaan ee ugu dambeysay wa ay ka duwaneyd bilihii hore.

” Waxaan kale oo aan ka mahad-naqeynaa, Ramadaankii oo si sharaf leh ku soonay, taasi sacab laguma qarin karo, 100%-na waa ka mahad-naqeynaa, 17ka marka la gaaro Beder waa iyo biyo ayaa uruursan jirnay iyo raashiin, sanadkan ma dhicin marka taas oo mahad-naqa koowaad, ” ayay tiri mid ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed ee ku diirsaday neecowda nabadda ee ka jirta Muqdisho.

” Amniga Muqdisho laga dareemay bishii Ramadaan, waxay ahayd howl la wada qabtay, laakiin sida Duniyo u sheegtay ciidamadeenna qabtay, gaar ahaan dhallinyarada soo jeesatay ee doonaya in ay dalka hagaajiyaan, haddii maalin walba lagu hey jiray ciidamada waa xun yihiin jidka ayay isbaaro dhigtaan, dadka ayay qash-qashaadaan,dadkey handadaan, maanta waxa waaye, mataal fiican ayay u yihiin,” ayuu yiri madaxwynaha JFS.

Wada-shaqeynta hay’adaha ammaanka sida Booliska, nabad-sugidda iyo ciidanka gaar ah ee Boolis-Militaro, ayaa dhexda u xirtay in ay ka hortagaan qorshe kasta oo Khawaarijta ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay natiijada ka dhalatay wada-shaqeynta ciidamada amniga iyo shacabka ayaa yiri ” Waa markii ugu horeysay ama koowaad oo ay timaado, Militari,Boolis iyo Nabad-sugid  wada shaqeynaya si dhab ah oo habeen iyo maalin u taagan, waaxay inoo dhashay natiijo cusub oo aan hore loo arag oo ah shacab iyo ciidan isku faraxsan oo gacamaha is haysta oo habeenkii soo wada jeeda oo wada shaqeynaya, natiijadan ayay keentay”.

Dadaallada ciidanka Dowladda ee u taagan ilaalinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ayaa hoos u dhigay weeraradii iyo ficiladii Khawaarijtu ay ka geysan jireen caasimadda Muqdisho.

Wasaaradda amniga xukuumadda federaalka ayaa shaacisay 70%, waxaa hoos loo dhigay falalkii amni-daro ee Khawaarijtu ay ka geysan jirtay magaalada Muqdisho.

” Wasaaradda amniga gudaha waxay soo bandhigeyaaa Dikumenti ku saabsan hoos dhac 70% ah ayaa ku yimid, dhacdooyinkii Khawaarijta, saddexdii bil ee Febraay, Maarso iyo April,isbedelka falalka Khawaarijta waa Febraayo oo 49 ahayd ilaa April 16 noqotay, haddaba hoos u dhaca waa 67%, waxaa ka dhihi karaa boqolkiiba waxay falalka Khawaarijtu hoos u dhaceen 70%,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga gudaha XFS.

Ciidamada amniga oo kaashanaya xogaha ka soo gaaraya dadka shacabka ah ayaa ku guuleystay in ay xakameeyaan falalka guracan ee Khawaarijtu shacabka Muqdisho ku dhibaateyn jireen, waxay ugu tageen gododka iyo xarumaha ay kaga dhuumaaleysan jireen deegaannada duleedka ka ah caasimadda dalka.

Sidoo kale, ciidamada ayaa bur buriyay fariisimihii lacagaha baadda ah ee argaguxisadi uga qaadi jirtay ganacstada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho, kuwaas oo hadda si nabad oo cabsi la’aan ah u ganacsado,islamarkaana u hoggaansamay amarkii Dowladda ee lagu cunaqabateeyay dhaqaalaha Khawaarijta iyo baaddii ay uruursan jireen.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Waxbarashada XFS oo shir caalami ah uga qeyb galay magaalada Paris

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Paris…

June 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mudane Ilaali Sirta Qaranka

Adiga oon fududaanin ilaali sirta Qaranka oo ha dhaawicin hannaanka geeddi socodka siyaasadeed ee Xukuumadda, sidaa daraadered,markasta oo aad tagto…

MaqaalladaWararka
February 15, 2020

Goobaha Khawaarijtu ku harsan tahay wali waxaa ka jira dhaqankii xumaa ee “Memoriga biyo ku laq.”

Muqdisho.(SONNA):- Sanado badan war iyo wacaal midna uma haynin waxa ka socda dunida, Bulshada Aadan-Yabaal iyo deegaannada kale ee kooxda…

Maqaallada
April 2, 2023

Sidee ugu baxay Al-shaab magaca ah Khawaarita? (WARBXIN)

Kooxda Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa waxay yihiin Urur Maafiya ah oo aan wax shaqo ah ku lahayn Diinta Islaamka oo aan…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Xuska maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda tacadiyada lala beegsado Suxufiyiinta (warbixin)

Dalalka caalamka ayaa manta u dabbaaldegaya xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah ee soo afjaridda ciqaab la’aanta dambiyada  ee loo geysto…

GudahaMaqaallada
January 7, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023