Muqdisho(SONNA):-inaa lilaahi wa inaa ilayhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto qoraa sare Marxuum Ciise Faarax oo kamid ahaa shaqaqaalaha wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa goor-dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Marxuumka oo da’aada todobaatameyada ku jiray ayaa dhawaanahan ku xanuunsanayay magaalada muqdisho,waxa uuna markii ugu dambeysay ka howlgalayay Wargeeyska Dalka,oo uu ka ahaan jiray tifaftire, sidoo kale waxa uuย kamid ahaa qorayaashii sar sare ee ka soo shaqeeyay wargeyskaย Xidigtaย ย Oktoober,balsa hada loo yaqaan wargeyska Dalka.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Da’uud Awey Jaamac, wasiirk ku xigeenka, Agaasimaha Guud iyo dhammaan bahda Warfaafinta waxa ay tacsi u diray ehelada iyo qoyska iyo dhammaan bahda saxaafadda uu ka baxay Marxuum Ciise Faarax,iyaga oo alle uga baryay marxuumka in jannatul fardowsa ka waraabiyo.
Wakaaladda Wararka SONNA ayaa dhawaan idin soo gudbin doonto Taariikhda fog ee rug-cadaaga saxaafadeed Marxuum Ciisa Faarax.