Muqdisho-(SONNA)-Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga XFS , Maxamed Cali Xagaa ayaa golaha aqalka sare uga mahad celiyay meel marinta Sharciga la dagaallanka Argagixisada, isagoo golaha ku bogaadiyay sida qiimaha iyo sharafta leh ee ay u ansixiyeen sharciga oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.
Wasiir Xagaa ayaa sheegay in sharcigan uu is-waafajinayo laba arrimood oo kala ah in dambiilaha la qabto muwaaddinka kalana uu nabad galo iyo in uu sharcigani yahay mid si toos ah u abbaarayo cidda loo sameeyay ee Daacish iyo Al-shabaab oo qayb ka ah Al-Qaacidda.
Wuxuu sheegay Wasiirku haddii loo baahdo in cid kale lagu asteeyo magaca argagixiso ay wasaaradda oo kaashanaysa hayโadaheeda u xil-saaran amniga usoo gudbin doonaan golaha wasiirrada si uu u maro labada Aqal ee Baarlamaanka.