Muqdisho (SONNA) Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga oo ay wehliyaan taliyaha ciidanka Boliiska iyo ku xigeenkiisa ayaa kulan la qaatay wasiirka wasaaradda Haweenka iyo ururka kaweenka Qaranka.
Kulankaas ayaa looga hadlayey diyaar garowga loogu Jiro maalinta haweenka Qaranka oo foodda nagu soo haysa.
Wasiirada iyo taliyaha ayaa haweenka ka balan qaaday in si wayn loo sugi doono ammaanka guud ee caasimada iyo meelaha loogu babbaal degayo maalinta haweenka Qaranka.