Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Rafaadkii Khawaarijtu badday raxmad ayaa u bedeshay reer Raaga Ceele. (Warbixin)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Rafaadkii Khawaarijtu badday raxmad ayaa u bedeshay reer Raaga Ceele. (Warbixin)
GudahaMaqaalladaWararka

Rafaadkii Khawaarijtu badday raxmad ayaa u bedeshay reer Raaga Ceele. (Warbixin)

By Dahir Aadan Cali
Last updated: February 19, 2023
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA):- Raage Ceele, waa magaalo ku fiican marti-soorka iyo soo dhoweynta, sida ka muuqata oraahda ah” Raaga Ceelaa la rogaa hee ma rabtaa rooti iyo caano”.

Magaaladan oo dhacda bartamaha degmooyinka Warshiikh, Jowhar iyo Cadale oo dhammaantood ka wada tirsan maamulka Hirshabeelle, waxay ahayd magaalo dhismeysa ka hor inta aysan qabsan Khawaarijta, balse waxay ka rideen indhaha muddo ay xoog ku haysteen.

Dhowr bilood ka hor, magaalada Raage Ceele waa ay adkeyd in la dayactiro  la dhiso guryaha sababo la xiriira in Khawaarijta Al-shabaab ay u diiday dadka deegaanka in ay dhistaan guryahooda, waxayna ku soo rogi jireen lacago ka badan mida ay ku dhisayaan.

“ Maanta qofkii guri dhiseyso ilaa ay fasax u soo jaraan ma aysan dhisan Karin, waxaa laga yaabaa allaabta ay guriga ka dhisaneyso in ay qof masaakiin tahoo dan yar ah oo qandal ka soo deynsatay ay leedahay si ayuuta ahaa kuu siinaa qofkaas ayay leeyihiin in ay u yimaadaan ama soo tuur ama guriga ma dhisaneysid, sidaas darteed dhismo la’aantaas waxaa hadda hooy la’aan u ah dad badan oo msaakiin ah oo gurigooda dhisan waayay,”  ayuu yiri guddoomiyaha degmada Raage Ceele.

Waayo jooga degmada waxay dib u heleen kullamadooda qaxwada subaxda hore oo ay isaga wareysan jireen xaaladaha deegaanka iyo guud ahaan dalka, waxayna warbaahinta qaranka oo booqatay uga warameen sida Khawaarijtu u diiday in ay dhisanto magaaladan.

“ Marka cisbitaalada iyo guryaha, saddex bil ka hor lama dhisin Karin, hal dhagax haddaad kor u qaado waxaa lagaa rabay boqol dollar,”.

“ Marba si waa, mar soddon dollar, mar labaatan dollar, mar konton dollar, calaa qof madaxaaga lagaaga rabaa, dhismo dhan lama soo xusuusan sidee u noolaan karaa ayay noqotay?, wax Xamar ayay u haadeen, wixii harayna nolosha ciriiri ku noqotay, waxayna arrinta hagaagtay oo nafis la helay markii la isku yimid oo Khawaarijta laga saaray deegaanka,’.

Qoys qoys iyo qof qof ayay Khawaarijtu lacagaha uga qaadayeen dadka degan degmada Raage Ceele sida uu sharaxayo guddoomiyaha degmadaas.

“ Dadka deegaanka waxaa laga tiring jiray ciyaalka, waxaa la dhihi jiray canug kasta lacag ka keen, canug kasta, qoys kasta iyo oday kasta oo nabadoon ah waxaa loo diri jiray inuu dadkiisa soo tiriyo, inuu canug kasta lacag ka bixiyo oo baad ah”.

Bilo ka hor, 100-km ka badan ayay dadka deegaanka u safri jireen si ay u helaan adeeg caafimaad, goobtaasina waxay ahayd Difaac ay ku jireen ciidamada oo isugu jira dadka deegaanka iyo kuwa qaranka.

Waxaana hadda socda dhismaha cisbitaal, sahli doona in ay dadka degmada Raaga Ceele iyo deegaannada ku haraareysan helaan adeeg caafimaad oo dhammeystiran, kaas oo aan horay halkaas uga jirin.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Galmudug oo la wareegtay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay

Muqdisho,(SONNNA):- Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qayb galay Munaasabad ay  Galmudug kula wareegtay Xaruntii loo diyaariyay…

GudahaWararka
November 30, 2025

Qatar Charity oo sheegtay in ay sii wadeyso kaalmada la siiyo barakacayaasha Soomaaliya

Hay’adda kaalmada Qatar Charity (QC) oo gacan ka helaya dadka dalkaasi  ayaa deeq raashin ah u qeybisay boqolaal qoys oo…

Gudaha
July 25, 2025

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo saxiixay buugga tacsida ee geerida Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi  “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA) - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa maanta saxiixay buugga tacsida ee…

Wararka
February 9, 2020

Dowladda Soomaaliya oo maamul goboleedyada u fasaxday lacagtii deeqaha Caalamka

Muqdisho-(SONNA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u fasaxday Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir lacag gaareysa lix milyan oo dollar oo ahaa deeq…

Wararka
September 22, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023