Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar huruuse ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa ergada ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) u qaabilsan Soomaaliya Amb, Mohamed Bamba M. Boba.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo sii wadi lahaa loona ballaarin lahaa hawlaha samafal ee ururku ka wado dalka Soomaaliya loona gaarsiin lahaa gobollada dalka oo dhan.
Ururka waddamada Islaamka ayaa dalkeenna ka fuliya mashaariic samafal oo isugu jira qodista ceelal biyood, dhismaha iyo dayactirka xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho, wuxuuna sidoo kale ururku fuliyaa hawlo gargaar oo degdeg ah.