Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga
    September 6, 2025
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Doorka culimada ee hagidda iyo hanuuninta dadweynaha!!. Warbixin.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Doorka culimada ee hagidda iyo hanuuninta dadweynaha!!. Warbixin.
MaqaalladaWararka

Doorka culimada ee hagidda iyo hanuuninta dadweynaha!!. Warbixin.

By Bile
Last updated: January 25, 2023
4 Min Read
Share

MUQDISHO-(SONNA)-Culumada Soomaaliyeed waligoodba waxa ay ahaayeen kuwa u taagan, hanuunin, wax barista iyo wax u sheegista dadkooda, waxay ahaayeen hooyga kaliya ee logu soo hirto mararka ay bulshdu ay gasho xaalado qalafsan oo karaamadooda wax yeeli karta, isla markaana ay garan waayaan hannaankii ay uga bixi lahaayeen mugdiga kaga jiray hawl la xiriirta nolasha waana kuwa mar kasta ka xoreyn jiray jahliga iyo gumaysiga. Iwm.

Taariikhda inta la xusuusan yahay kaalin mug leh ayay buslshada Soomaaliyeed uga jireen Culumadu, Bal fiiri waagii gobanimo doonka iyo gumaysi la dirirka waxaa bulshada gar wadeen iyo hagayaal toosan u ahaa culumadii Soomaaliyeed ee xilligaas noolaa, iyaga oo u kala tilmaamaya waxa bulshada laga doonayo iyo kaalamaha laga rabo in ay ka geestaan waqtiyada culayska ba’an uu ku yimaado umadda intooda badan.

Sidoo kale cululumada waxay ahaayeen kuwa u kala garsoora markay ay is qabtaan oo ay wax kala gaarto, isla markaana dadku ay iimaanka ku qabaan, si ay u dhan yihiina u qaata wixii ay culumadooda guddoomiyaan.

Culumada ayaa ahaa kuwa dadka isu xalaaleeya oo isu guuriya ka dib markii ay lamaanayaasha soo wada heshiiyaan, iyaga ayaa marka isku dhac yimaada ka shaqeeyn jiray islaaxintooda iyo sii waarista wada jirkooda qoysaska Soomaaliyeed ee shaydaanku soo kala dhex galay.

Culumadu waxay inta badan ka shaqeeyn jireen samaha maadaama ay yihiin indheer garadka iyo waxgaradka bulshada, midnimada iyo wada jirkooda, waxay xoogga saari jireen heshiisiinta qabaa’ilka xurguftu kala gaartay ee gacan ka hadalku uu dhex maray.

Haseyeeshee Qarnigii la soo dhaafay dabayaaqadiisii waxaa bulshada Soomaaliyeed ay u muuqdeen waqtiyadaasi kuwa ka go’doonsan bulshooyinka caalamka intiisa badan kama jirin culumo Soomaaliyeed, kala qaybsanaanta maanta gudahooda ka muuqata, sababtuna waxay tahay Soomaalida oo looga soo duulay wadamada kale ee Carabta si loo meel mariyo qaar ka mid ah culumadooda madaahiibta dunida kale ee islaamka ka jirtay ee aan laga aqoon dalkeen, taas oo keentay maanta kala qaybsanaanta culumadeenii midaysnayd kala qoqobka ka muuqda maanta, ka dib markii qaar ka mid ah ay u baqooleen qaar ka mid wadamada Carabta oo loo soo xambaariyey madaahib aan dalkeena laga aqoon.

Nasiib wanaag dadkeena oo ah dad firfircoon oo jecel Diintooda iyo madahabkooda shaaficiga ah oo ay ku kalsoon yihiin waa la qaadsiin waayey madaahibtii qaarijiga ahayd ee laga soo waariday dalalka carabta intooda badan, lnkasta oo in yar oo bulshada ka mid ah la liqsiiyey suntaas argagaxisida maanta abuurtay iyaga oo ku andacoonaya in islaamkii aan haysan jirnay tan iyo markii uu nabiga noolaa NNKH ku tilmaamay Diin aan dhamaystirnayn oo bidca ah, loona baahan yahay in dadku ay mar kale qaataan isla diintii oo la soo cusboonaysiiyey.

Waxaan filayaa in maanta bulshada Soomaaliyeed u kala cadaadeen waxaas la sheegayo ayna u diyaarsan yihiin inay ilaashadaan Diintooda, iyaga oo aan laga dhaadhicin karin Diin cusub iyo mid duqoowday oo aan la jaan qaadi karin Soomaalida maanta, isla markaana Diintu ay tahay mid kaliya ee Bulsho isku hayn karta.

Taasna waxaa ka shaqaynaya maanta culumada wax garanaysa ee Soomaaliyeed, ee aan rabin in ay ku iibsadaan Diintooda xaniifka ah xogaa sandareerto ah oo Adduunyo ku mood ah, mana dhici doonto mar kale in laga raali noqdo danaystayaal ku soo duulaan diinteena Muqadaska ah ee aan ku soo caano maalnay.

Haddaba waxaa looga fadhiyaa Culumada ku shirsan Caasimadda inay cod mideysan uga soo horjeestaan Khawaarijta ku soo duushay Diinta, Dalka iyo Dadka intaba. iyagoo banneestay Dhiigga Culumada iyo Caamada loogana haajiray baytkii Alle ee lagu Cinaadeysan jiray.

KHAWAARIIJ WAA KHEYR LAAWEYAAL EE YAAN LOO KALA HARIN!!

TAGGED:DOORKA CULUMADA EE HAGIDDA IYO HANUUNINTA DADWAYNAHA!!. Warbixin.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Baydhabo(SONNA):-Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur-galbeed oo looga…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mid kamid ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Maamulka G/Baay

Maxamed Cabdi Xasan, oo ka tirsan maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay maamulka degmada Qansax-dheere ee gobolka…

Wararka
August 27, 2020

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Muqdisho, (SONNA): Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, Mudane Ali Dahir Eid, oo dhawaan u joogay Muqdisho howlo shaqo, ayaa la kulmay…

GudahaWararka
September 12, 2024

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo ka qeybgalay kulan lagu doortay Hoggaanka Iskaashatooyinka Beeraleyda

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur  Gacal iyo Xubno Ka Tirsan golaha wasiirada maamulkaasi, ayaa ka qeyb galay kulan ka…

Wararka
August 14, 2020

Dufcadii 16-aad ee ka tirsan ciidanka Booliiska oo tababar loogu qaaday dalka Jabuuti

Muqdisho(SONNA):-Afhayeenka ciidamada Booliska Col. Sadiiq Doodishe oo la hadlay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa sheegay in maanta garoonka diyaaradaha…

GudahaWararka
March 12, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023