MUQDISHO-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Dhallinyrada iyo ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud oo ay weheliyaan Xildhibaanno ka tirsan guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Wakiilka gaarka ah ee Nabadda iyo dhex-dhexaadintaย geeska Afrika u qaabilsan wasaaradda Arrimaha Dibadda ahna Mudane ka tirsan Baarlamaanka Finland Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo uu weheliyo Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee easaaradda Arrimaha Dibadda Finland Mr Jukka Pajarinen.
Wasiir Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdiga ka socday dowladda Finland ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha hortabinta u leh wasaaradda iyo kaalinta ay dowladda Finland ka gaysan karto, waxaana si gooni ah loo dul-istaagay mashaariicda waarta ee dhalinyarada Soomaaliyeed u sahlaysa inay suuqa shaqada ku biiraan.
Wasiirka ayaa wafdi dowladda Finland u gudbiyay qorshe dhowr kun oo dhalinyaro ah sanad walba lagu barayo farsamada gacanta iyo xirfadaha wakhtiga kooban qaata ee dalka looga baahanyahay.
Dhinaciisa Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo Aa wiil Soomaaliyeed oo ku barbaaray dalka Finland, meel sarena ka gaaray siyaasadda wadankaas ayaaย sheegay in dowladdiisu ay ansixisay qorshe ku kacaya Malaayiin Dollars oo lagu xoojinayo taageerada la siiyo wadamada geeska Afrika ku yaala wuxuuna caddeeyay in horumarinta dhalinyarada iyo fursad u abuuristoodu uu yahay kan ugu muhiimsan.
Dowladda Finland ayaaย taageerta kaalinta dhalinyarada ee nabadda iyo in xal-waara loo hello colaadaha wadamada Afrika gaar ahaan kuwa Geeska.