MUQDISHO-(SONNA)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddiga saaxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Turkiga.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFSย Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in xariir wada shaqeyneed oo saaxiibtinimo uu Barlamaanka Soomaaliya la yeesho barlamaanadda ee adduunka, taas oo keentay inuu magacaabo guddigaan oo ka shaqeynaya xariirka iskaashi iyo walaaltinimo ee Barlamaanka Soomaaliya iyo kan Dowladda Turkiga