Muqdisho-(SONNA)-Xaruntaan ayaa timid kadib markii dardargelin lagu sameeyay shaqada Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda, taas oo ka dhalan karto cabashooyin ka soo laabto adeegyada Socdaalka iyo Baasaboorka.
Muhiimadda hirgalinta xaruntaan cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ah in dadka cabashada qaba iyo Hay’adda aan loo dhaxeynin oo ay si toos ah ula soo xiriiraan xarunta ka jawaabista Cabashooyinka si meesha looga saaro gaabis ku yimaada xiriirka Heyโadda iyo loo adeegayaasha oo ah bulshada Soomaaliyeed, loogana fogaado isdabarin, waajib gudasho laโaan ama in si khaldan looga faaโideysto adeegyada Hay’adda oo qof kastaahi xaq u leeyahay isla markaana looga hortago wax kasta oo keeni kara Musuqmaasuq.
Xarunta ka jawaabista Cabashooyinka waxaa ka howlgali doono Saraakiil loo tababaray xiriirka dadweynaha iyo la macaamilkooda, waxayna ka jawaabi doonaan guud ahaan cabashooyinka ka soo laabta adeegyada ay bixiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Agaasimaha Guud Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul), ayaaa tilmaamay inuu si dhow ula socon doono tabashooyinka iyo warbixinada xaruntaan si uu u qaado tallaabooyin wax ku ool ah, isla markaana uu kula xisaabtamo xarunta ka jawaabista cabashooyinka sida ay u maareeyaan cabashada ay qabtaan. Sidoo kale, qorshayaasha Hayโadda waxaa lagu dhisi doonaa tallooyinka iyo baahida adeeg oo ay qabaan bulshada Soomaaliyeed.