SONNA (MUQDISHO)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgahiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Asad Yusuf ayaa manta gudoomiyay shir ku saabsanaa heshiiskii wareejinta FSNAU/SWALIM wajiyadiisa (Phases) halka ay maraayaan, kaas oo ay ka qeyb galeen Agaaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Beraha iyo waaraabka, Tamarta iyo Kheyradka Biyaha iyo Agaasimaha Guud ee Hayโadda Istaatiskada Qaranka.
Shirkan oo ahmiyad wayn u lahaa dhinacyadan waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah, wareejinta xogta iyo horumarinta nidaamka FSAUN/SWALIM, sidoo kale isku xirka iyo xoojinta wadashaqeynta hayโadaha ay khuseyso.
Ugu dambeyntii Masโuuliyiinta ayaa isla gorfeeyay sidii loo dar-dargalin lahaa sida ugu macquulsan ee loo soo wareejin lahaa xogta dowladda Soomaaliya, tasoo lagu xoojinayo hayโadda Istaatikasada Qaranka oo shaqooyinka waajibadaadkeeda tahay kaydinta, Aruurunta iyo shaacinta xogaha kala duwan ee dalkeennu ku saabsan.