Muqdisho.(SONNA):-Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay leedahay Shikadda Jamus oo ah shirkad gaar loo leeyahay kana shaqeysa howlaha amniga.
Qaraxa ayaa ka dhacay wadada 21-ka Oktober oo ah waddo aad u mashquul badan,waxaana ku yaalla goobo waxbarasho iyo kuwa caafimaad.
Weerarka ay maleeshiyadda argagixisadd ee Al-shabaab ku qaaday wadada 21-ka Oktober ay waxaa ku geeryooday in ka badan 8-ruux oo isugu jiray dad shacab ah iyo ilaalo saarneyd gaadiidka marayay wadada,halkaa ay ku dhaawacmeen ilaa 5-ruux oo kale.
Argagixisadda Al-shabaab ayaa cadeystay inay bartilmaameed ay ka dhigtan goobah wax barashada,masaajidada,iyo wadooyinka ay dadka shacabka ah ay isticmaalan.