Gaalkacyo-(SONNA)-Wasaaradda Haweenka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay olalaha16-ka maalmood ee wacyi galinta ka hortagga tacaddiyada Haweenka loo geysto.
Isku duwaha Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul insaanka Galmudug ee Gobalka Mudug Drs; Yurub Cabdulqaadir Sheekh Cali ayaa sheegtay in Sanadkan 2021-ka in ka badan 50 kiis oo la xariira tacaddiyada Haweenka ay ka diiwaan geliyeen Gobalka Mudug, kuwaas oo ubadan kufsi loo geystay Carruur iyo Haween.
Taliye ku xigeenka qeybta Booliska Gobalka mudug Gaashaanle; Maxamed Mire Maxamuud ayaa farriin udiray Odayaasha dhaqanka, isagoo codsaday in hay’addaha garsoorka iyo laamaha amniga ay u madax banneeyaan kiisaska la xariira kufsiga si sharciga loo marsiiyo cidda geysatay.
Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug, Axmed Maxamed Shire (Qoodaar) ayaa sheegay in dhibka ugu badan ee soo celceliya tacadiyada Haweenka iyo Carruurta ay masuuliyaddeedu leeyihiin Odayaasha dhaqanka, balse looga baahan yahay in ay doorkooda ka qaataan sidii sharciga loo marsiin lahaa dambiilayaasha, taasna ay tahay waddada keliya ee loo mari karo joojinta tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta.