Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Masar.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Masar, kordhinta deeqaha waxbarashada Masar siiso ardayda Soomaaliyeed, fududeynta socdaalka, ganacsiga iyo maalgashiga.