Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Qayb galay Furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika ee magaaladda Seoul
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Aqoon-isweydaarsiga isbeddelka Cimilada iyo Xaalka Teknolojiyadda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Aqoon-isweydaarsiga isbeddelka Cimilada iyo Xaalka Teknolojiyadda
GudahaWararka

Aqoon-isweydaarsiga isbeddelka Cimilada iyo Xaalka Teknolojiyadda

By Dahir Aadan Cali
Last updated: November 2, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Diiriye, ayaa si rasmi ah u furay aqoon-isweydaarsi ku saabsan isbedelka cimilada iyo xalalka teknoolojiyadda, kaas oo lagu talagalay in lagu xoojiyo awoodda hay’adaha dowladda ee ka jawaabista caqabadaha cimilada iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyad casri ah.

Kulankan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyey Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyadda iyo Wasaaradda Isbedelka Cimilada, waxaana goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, agaasima waaxeedyo, lataliyayaal, iyo howl-wadeeno ka socda labada wasaaradood.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa si qoto dheer diiradda u saaray xeeladaha casriga ah ee teknoolojiyadda loo adeegsan karo si wax looga qabto saameynta isbedelka cimilada, gaar ahaan dhinacyada saadaalinta cimilada, maaraynta khayraadka dabiiciga ah, iyo dhisidda nidaamyo waara oo ka hortaga fatahaadaha, abaaraha, iyo khataraha kale ee cimilada.

Ka qaybgalayaasha ayaa sameeyey dood cilmiyeed iyo falanqeyn qoto dheer, iyaga oo soo bandhigay fursadaha iyo caqabadaha hortaagan hay’adaha dowladda, iyo sidoo kale talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarin karo adeegyada teknoolojiyadda ee la xiriira maaraynta isbedelka cimilada.

Mudane Axmed Diiriye wasiiru-dowlaha wasaaradda ayaa khudbad ka jeediyey kulanka, isagoo muujiyey muhiimadda ay leedahay in la horumariyo xeeladaha isbedelka cimilada iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda casriga ah, si loo yareeyo saameynta dhibaatooyinka cimilada, loona gaaro horumar waara oo dalka ka dhaca. Wasiirku wuxuu xusay in wadashaqaynta hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ay muhiim u tahay guulaha laga gaari karo la dagaalanka isbedelka cimilada.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallada lagu dhisayo awooda aqooneed ee shaqaalaha labada wasaaradood, kobcinta xirfadaha maamulka cimilada, iyo dhiirrigelinta hal-abuurka iyo teknoolojiyadda deegaanka ku habboon. Waxaa la filayaa in talooyinka iyo qorshayaasha laga soo saaray aqoon-isweydaarsigan ay qeyb ka noqdaan siyaasadaha qaranka ee mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa adkaysay in hormarinta teknoolojiyadda iyo adeegyada casriga ah ee la xiriira isbedelka cimilada ay qayb muhiim ah ka yihiin himilooyinka horumar waara ee dalka, iyadoo xooga la saarayo in hay’adaha qaranku ay yeeshaan awood buuxda oo ay ku maareeyaan caqabadaha cimilada si hufan, isla markaana bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’iidaysato adeegyada iyo barnaamijyada cusub ee farsamada.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay

Muqdisho,(SONNA):- Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobolleedka…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo la kulmay Safiirka Dowladda Qatar

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda FS Xil. Maxamed Barre Maxamuud ayaa kulan la qaatay danjiraha dowladda Qatar ee…

GudahaWararka
January 18, 2023

Doorka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee xakameynta COVID-19 oo laga hadlay “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay doorka Xildhibaannada uga aadan xakameynta cudurka COVID-19, kaasi oo fara…

Wararka
March 4, 2021

La kulan Hirarka Badda Baraawe iyo da’yar soo dabtay quudka maalintiisa

Xeebta magaalada Barawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa subaxnimadii maanta noqotay mid ku kulmisay nolol ay ka muuqato rajo iyo…

GudahaWararka
May 12, 2026

Kulan looga hadlayay horumarinta Jaamacadda Ummadda faraceeda Galmudug oo lagu qabtay Caabudwaaq

Muqdisho (SONNA)-Kulan uu soo qaban qaabiyay  Maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Galmudug ee Degmada Caabudwaaq oo looga hadlayay horumarinta Jaamacadda…

Wararka
June 17, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023