Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgeshiga iyo tamarta cagaaran
    July 25, 2025
    Wasiirka gaashaandhiga XFS oo la kulmay wasiirka warshadaha difaaca dalka Azerbaijan
    July 25, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    July 25, 2025
    Taliyaha Ciidanka Badda oo ka qayb galay Bandhigga Carwada hubka ee lagu qabtay Istanbul
    July 25, 2025
    Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku soo qaaday deegaanada Sabiid iyo Caanoole
    July 25, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Kanada oo sheegtay in Israel ay ku xad gudubtay sharciga bini’aadanimada
    July 25, 2025
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Soomaaliya iyo mar kale Kaduudiye (WARBIXIN)
    July 25, 2025
    Ficilada Cimilada Soomaaliya: Khataraha, Digniinaha hore iyo Xalka
    July 24, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Xarun ka shaqeyn doonto hal-abuurka deegaanka oo laga hirgaliyay Muqdisho “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Xarun ka shaqeyn doonto hal-abuurka deegaanka oo laga hirgaliyay Muqdisho “SAWIRRO”
GudahaWararka

Xarun ka shaqeyn doonto hal-abuurka deegaanka oo laga hirgaliyay Muqdisho “SAWIRRO”

By Mohamed Abdukadir Socdaal
Last updated: July 24, 2021
3 Min Read
Share

MUQDISHO (SONNA)- Kullan xariga looga jarayay xurun cusub oo loogu magac daray Eco-Hub Somalia, ayaa  lagu qabtay magaalada Muqdisho. Daah Furkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada, Siyaasiyiin iyo qaar ka tirsan Aqoonyahanada Soomaaliyeed ee Muqdisho ku nool.

Eco-Hub Soomaaliya ayaa noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee deegaan iyo bey’adeed ee nooceeda oo kale ka shaqeysa lagana hir-galiyo Soomaaliya, iyada oo u jeedkeedu yahay dhowrista kheyraadka dabiiciga ah iyo bey’ada si loo abuuro jawi saaxiibtinimo bey’adeed, wacyigelin iyo dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsi ee wax u taraya deegaanka kuwaa oo u baahan dhiirigalin iyo maalgalin.

Sidoo kale waxay xaruntan tababaro ku aadan ka shaqeynta Nadaafada iyo Ganacsiyada yar yar kuwooda u wanaagsan deegaanka, soo saarista Cilmi-baarisyo ku aadan dhibootooyinka deegaanka, iyo yareynta shaqo la’aanta bulshada gaar ahaan dhalinyaradda iyo haweenka.

Agaasimaha Eco-Hub Somalia Cali Faarax oo ka hadlay munaasabada ayaa ku soo dhoweeyay xarunta ka qeyb galayaasha, isagoo xusay in xaruntaan deeegaan ay aasaaseyn dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka damqaday dhibaatada deegaan, qashin iyo shaqo la’aan ee heysato dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in xaruntaan loo furay bulshada soomaaliyeed. Waxa kale oo uu sheegay in Eco-Hub Somalia ay soo kordhin doonto  howlo ay ku farxaan Bulshada Soomaaliyeed, sidoo kalena dhiireglin iyo tababar ay siin doonto qof walba oo la yimaada hal- abuur ganacsi kaas oo la saaxiib ah deegaanka.

Dhamaan hal-abuurada qeybta ka ahaa bandhig carweedka ayaa mid mid madashada qudbado kooban ka jeediyay iyaga oo kaga sheekeeyay waxa ku dhaliyay hal-abuurkooda ganacsi ee deegaanka la saaxibka ah, sida ay ku hirgaliyeen iyo sida u shaqeeyo ganacsigooda iyo caqabadaha ku geedaaman hirgelinta hal-abuurkooda.

Hal-aburada ayaa tilmaamay muhiimada ay howlahooda ganacsi ku dhowrayaan deegaanka iyo shaqo abuurka ba’.

Hal-abuurada ayaa madasha ka sheeegay in ay caqabad ka heysato dhanka iska warqabid la’aanta ka dhaxeysa dhanka wax-soo-saarkooda iyo bulshada inteeda kale oo ay jirto ogaansho dari iyo dadka Soomaaliyeed oo wali ku baraarugsaneyn muhiimada ay leedahay in ay dib u iibsadaan walxaha la isticmaalay ka dibna tuuray in mar kale ay dib u iibsadaan una aisticmaalan si loo yareeyo qashimeynta magaalada iyo waliba dhowrista deegaanka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka wadahadlay maalgeshiga iyo tamarta cagaaran

Baku(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wadahadal dhinacyo badan taabanaya…

July 25, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Maraykanka oo ku baaqay in la baaro Xasuuqa Abiye ka wado gobolka Amxaarada

Addis ababa(SONNA):-Dowladda Mareykanka oo ku baaqday in la baaro xasuuqa maamulka Abiy Axmed ka wado gobolka Amxaarada ee waqooyiga Itoobiya.…

GudahaWararka
February 10, 2024

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo bogaadisay dowrka dhaqaatiirta ay ka qaadanayaan xakameynta COVID-19

Muqdisho,(SONNA)— Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa bogaadisay kaalinta dhaqaatiirta, kalkaaliyaasha iyo howl-wadeennada caafimaadka ay ka qaadanayaan…

Wararka
April 15, 2020

Saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada (WARBIXIN)

Muqdisho(SONNA):'Roobabkii guga ayaa si rasmi ah uga curtay deegaanno badan oo dhaca gobollada Dalka Soomaaliya, kadib markii maalmihii u dambeeyay…

GudahaWararka
April 29, 2024

Ciidamada Danab oo gacanta ku soo dhigay horjooge ka tirsan Al- Shabaab

Marka-(SONNA)- Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ay ka sameeyeen degaanka Jannaale ayaa gacanta  Ku soo dhigay qabtay horjoogihii Canshuuraha maleeshiyaadka…

GudahaWararka
March 19, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023