Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah
    March 16, 2026
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Ciid-siin iyo Taakuleyn Gaarsiiyay Dugsiga Agoonta Wiilasha Kaaraan
    March 16, 2026
    Xildhibaannada Soomaaliya ku matalaya EALA oo maanta la dhaarinayo
    March 16, 2026
    Hodan iyo Gubadley oo ku soo baxay Tartanka kama dambeysta ee ka baxa Warbaahinta Qaranka
    March 16, 2026
    Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgal ka fuliyay gobolka Sh/hoose
    March 15, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad Sugidda garoonka Aadan Cadde
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad Sugidda garoonka Aadan Cadde
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad Sugidda garoonka Aadan Cadde

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 23, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabaya tallaabadii muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad Sugidda ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble markuu arkay qodobka 21aad ee dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, faqradiisa 1aad ee dhigaya qofkasta oo si sharci ah u degan Jamhuuriyadda waxa uu xaq u leeyahay in uu si xor ah u degi karo, ugu dhex socon karo meelkasta oo dalka ka mid ah kana bixi karo”. Ayuu yiri Afhayeenka Xakuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu oo Warbaahinta u akhriyay bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa hadlakiisa ku daray “Iyadoo la tix raacayo amarkii uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 21 July 2021, ee sida cad u qeexaya in qof muwaadin ah aan laga hor joogsan Karin in uu u safro ama ka soo dego deegaan ama gobolka ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, lagana jawaabayo falkii maanta muwaadiniin Soomaaliyeed looga horjoogsaday si sharci darro ah inay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde, taasi oo xad gudub ku ah amarkii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo xaquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniintaas”.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA Cabdullaahi Kullane iyo Taliyihii Nabad Sugidda ee Garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali, iyadoo muwaadiniitnta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwii maanta safarka laga xayiray inay xor u yihiin socdaalkooda, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha markale ku celiyay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidkasta oo ku xad gudubta dastuurka dalka, kuna dhiirata carqaladeynta geeddi socodka doorashooyinka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Ururka 231-aad ee XDS oo ka jawaabay codsi ka yimid gabar da’yar oo qabta baahiyo gaar ah

Muqdisho(SONNA);-Ciidanka Ururka 231-aad ee Guutada 23-aad (MP) ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka…

March 16, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka DF oo gacanta ku dhigay Horjooge ka tirsan Khaawrijta

Muqdisho.(SONNA):- Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xooggaga kacdoonka dadweynaha ayaa Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee gobolka…

GudahaWararka
January 15, 2023

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo dalka kusoo dhoweeyey dhigiisa dalka Jabuuti

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka gashaandhiga XFS Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Garoonka Adan Cade ee magaaladda Muqdisho kusoo dhaweeyay dhigiisa Wasiirka gaashandhiga dalka…

GudahaWararka
January 30, 2023

Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo markale maanta dhageysaneysa kiiska Sayid Cali oo ku eedeysan in uu gubay Xaaskiisa

Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maalintii seddaxaad dhageysaneyso kiisa Eedeysane Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ku eedeysan in gubay xaaskiisa. Fadhiga…

GudahaWararka
May 12, 2024

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Hasan Macallin Maxamuud ayaa qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka…

GudahaWararka
August 25, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023