Muqdisho,(SONNA):- Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamza Haadow, ayaa qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Agaasimaha Waaxda Dhibaatooyinka ee Hay’adda UNDP Marwo Shoko Noda intii ay ku guda jirtay booqasho socotay toddobaad oo ay ku timid Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Ariamaha Dibadda iyo Hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), iyadoo la waafajinayo mudnaanta ajandayaasha qaran ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin horumarinta, diyaar garowga doorashooyinka, iyo ka jawaabidda xaaladaha bani’aadannimo.
Hoggaanka Qaramada Midoobay ayaa bogaadisay doorka sii kordhaya ee Dowladda Soomaaliya ku leedahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyo ku biiristeeda Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Labada dhinac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda degdegga ah ee wax looga qabanaayo barakacayaasha gudaha (IDPs) iyo abaaraha socda, iyagoo isku raacay in la dardargeliyo dadaallada wadajirka ah ee ay hoggaaminayso dowladda, si loo taageero bulshooyinka nugul loona xoojiyo adkeysiga dalka oo dhan.
