Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo uu weheliyo Taliyaha Xabsiga Dhexe Gen. Daahir Cabdulle Raage, ayaa booqday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka , halkaasoo oo uu ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda Mudane Sheekh Muqtaar Roobow Cali.
Booqashada Taliyaha ayaa muhiimaddeedu aheyd u mahadcelinta Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Islaamka oo si dhow u garab istaagtay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ,
Wasaaradda ayaa Ciidanka Asluubta ka caawisa dhinacyo badan , sida taakuleynta dhanka Kitaabada Quraanka ee ay Siiyaan Ciidanka iyo wacyigelinta maxaabiista.
