Muqdisho (SONNA)-Wasiirada Caafimaadka, Warfaafinta, Shaqada iyo Waxbarashada ayaa galabta ku booqday isbitaalka (Bay Regional Hospital) ee magaalada Baydhabo dhaawacyada dadkii shacabka ahaa ee maanta kooxda Al-Shabaab qarax miino ah la beegsatay.
Wasiirada ayaa mid mid u dul istaagay dadkii ku dhaawacmay qaraxa, iyagoo Alle u weydiiyey inuu siiyo caafimaad deg deg ah intii ku nafwaysayna inuu Illaahay naxariistiisa Janno siiyo, waxayna tilmaameen in Dowladdu ay xoogga saareyso daryeelka caafimaad ee dadkaas.
Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) ayaa sheegay in shacabka magaalada Baydhabo laga doonayo in ay la soo wadaan xogaha laamaha ammaanka si looga hortago wax kasta oo sababi kara amni darro.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in laamaha Amniga ay marwalba ku howlan yihiin sugida Nabadgelyada, laakin laga doonayo shacabka iyo laamaha amniga inay wada shaqeeyaan taasna looga hortagi karo dhagarta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab.