Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga
    June 2, 2026
    Hay’adda SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo ka wada shaqaynaya xoojinta hawlaha samafalka
    June 2, 2026
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Ra’iisul wasaare Xamse oo magacaabay guddiga sare ee Sanduuqa Qaran ee maareynta khataraha
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Maxkamadda ciidamada oo xukun ku riday nin watay boorso ay ku jiraan walxaha qarxa
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Maxkamadda ciidamada oo xukun ku riday nin watay boorso ay ku jiraan walxaha qarxa
Wararka

Maxkamadda ciidamada oo xukun ku riday nin watay boorso ay ku jiraan walxaha qarxa

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 14, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-June Todobadeedii ee sanadkan sii dhammaanayo ayay Ciidamada Amniga ka qabteen Xasan Cabdullaahi Aadan Ex Control Afgooye xilligaasi oo  isu soo diyaariyay sidii uu isugu Qarxin lahaa xarunta Murtida iyo Mada-daallada oo uu maalin ka hor sheegay in uu soo fiirsaday “Istidhlaac”.

Diifta ka muuqatay darteed ayay Ciidamada Amniga uga shakiyeen, waxa ayna dhalisay baaris kadib in laga dhex helo boorsadiisa Jaakadda Qaraxa, Isla xilligaasi ayay Ciidamada Amniga  u gacan geliyeen Hogaanka baarista Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Baaritaan dheer kadib Xasan Cabdullaahi Aadan waxa uu qirtay in sanad iyo xoogaa uu la soo shaqeeyay maleeshiyada Al-Shabaab, waxa uuna Al-Shabaab kaga biiray Buur Dhuxunle oo ka tirsan Bakool sanadkii 2018.

Tuullo la yiraahdo Ugunji oo hoos tagata degmada Jannaale ayaa la keenay kadib markii lagu qanciyay in uu naftiisa gooyo, isaga oo sii salfanaya bulsha aan waxba galabsan.

May 2020 ayaa ugu dambayn loo keenay Jaakadda iyo Boorsada uu wada Isticmaali lahaa si’uu isugu Qarxiyo, waxaana la tusiyay sedax badhan oo mid kastaahi laga qarxin karo Jaakadda iyo Boorsada wada jira ee Argagixisada dhawaan Isticmaalkeeda Billowday .

August bartamaheeda ayay iska soo wareejiyeen Hey’adda Baarista, wixii xilligaasi ka dambeeyay xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna hubin ku bilaabay daba galka iyo jiritaanka eedaha Hey’adaha Amniga Baarista.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Xasan Cabdullaahi Aadan, waxa ayna Maxkamadda ballamisay 26 bishii Tobnaad ee Sanadkan.

Wixii intaasi ka dambeeyay Maxkamadda ayaa billowday dhageysiga kiiskan, xilliya kala duwan ayaa la isugu soo noqday si’ay Maxkamadda jawaab waafi ah uga hesho sida lagu qabtay qof Naftiisa haligaya oo agab qarxa wata, waxa ay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Ciidamada cadeeyeen In eedeysanaha uu isku dayay in uu baxsado laakiin ay agabka iyo eedeysanahaba ay ka wada dajiyeen gaari dadweyne.

Eedeysane Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in uu  ujeedkiisa ahaa in uu isku Qarxiyo meel loogu sheegay in ay tahay xarun ay degan yihiin ciidamo dharcad ah, laakiin tilmaamta cadeymaha ayaa muujineyso in u jeedkiisu ahaa Tiyaatarka Qaranka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in eedeysanaha loo naxariisto Maadaama ay Al-Shabaab kaga faa’ideysteen aqoon la’aan iyo duurka uu duruuf kula noolaa.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in Xasan Cabdullaahi Aadan lagu xukumo Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu rafcaan ku dalban karo muddo 30 cisha ah xukunka kadib.

BY:Abdulkadir Isse

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka dalka oo ka qaybgalay xuska maalinta Qaranimada Talyaaniga

Muqdisho (SONNA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka oo ka qayb galay shir muhiim ah oo ka dhacay Yugaandha

Kampala-(SONNA)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa magaaladda Kampala ee dalka Yugaandha uga qeyb galay shirka guddoomiyeyaasha…

GudahaWararka
March 6, 2024

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha Wakiilka…

GudahaSiyaasaddaWararka
December 17, 2024

Magaalada Nirobi oo lagu soo gabagabeeyay shir la xiriiray dib u dhiska magaalooyinka dalka

Shir looga hadlaayey dib u dhiska magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ay ka qeybgaleen Dowlad Govoledyada iyo maamulka Gobolka Banaadir…

Gudaha
May 19, 2023

Maxkamadda ciidamada qaybta Jubbaland oo dil toogasho ah ku xukuntay asakari katirsan ciidanka Jubbaland

Muqdisho(SONNA):-Maxkamadda ciidamada qaybteeda Jubbaland ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Maxamed Cabdullaahi Siciid (Maxamed Khadar)…

GudahaWararka
October 23, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023