Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul
    July 23, 2025
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Duqa muqdisho oo qaabbilay kusimaha Safiirka Libiya u fadhiya Soomaliya
    July 23, 2025
    Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda Unicef
    July 23, 2025
    Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka maalgashi ee u dhexeeya labada dowladood
    July 23, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya
    July 18, 2025
    Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka
    July 11, 2025
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Isbadallada dowladdu ka samaysay ilaalinta Qaranimada iyo xasilinta dalka (Faallo)
    July 23, 2025
    Horumarka laga gaaray dagaalada ka dhanka ah Kooxaha Khwaarjta
    July 21, 2025
    Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)
    July 18, 2025
    Cabdulqaadir Ikrama oo Madaxiisa saran tahay $5 Milyan
    July 14, 2025
    Sidee buu iskaashiga BRICS u qaabeynayaa Mustaqbalka Afrika? (WARBIXIN)
    July 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Maxkamadda ciidamada oo xukun ku riday nin watay boorso ay ku jiraan walxaha qarxa
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Maxkamadda ciidamada oo xukun ku riday nin watay boorso ay ku jiraan walxaha qarxa
Wararka

Maxkamadda ciidamada oo xukun ku riday nin watay boorso ay ku jiraan walxaha qarxa

By Aadan Sooyaal
Last updated: June 14, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)-June Todobadeedii ee sanadkan sii dhammaanayo ayay Ciidamada Amniga ka qabteen Xasan Cabdullaahi Aadan Ex Control Afgooye xilligaasi oo  isu soo diyaariyay sidii uu isugu Qarxin lahaa xarunta Murtida iyo Mada-daallada oo uu maalin ka hor sheegay in uu soo fiirsaday “Istidhlaac”.

Diifta ka muuqatay darteed ayay Ciidamada Amniga uga shakiyeen, waxa ayna dhalisay baaris kadib in laga dhex helo boorsadiisa Jaakadda Qaraxa, Isla xilligaasi ayay Ciidamada Amniga  u gacan geliyeen Hogaanka baarista Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Baaritaan dheer kadib Xasan Cabdullaahi Aadan waxa uu qirtay in sanad iyo xoogaa uu la soo shaqeeyay maleeshiyada Al-Shabaab, waxa uuna Al-Shabaab kaga biiray Buur Dhuxunle oo ka tirsan Bakool sanadkii 2018.

Tuullo la yiraahdo Ugunji oo hoos tagata degmada Jannaale ayaa la keenay kadib markii lagu qanciyay in uu naftiisa gooyo, isaga oo sii salfanaya bulsha aan waxba galabsan.

May 2020 ayaa ugu dambayn loo keenay Jaakadda iyo Boorsada uu wada Isticmaali lahaa si’uu isugu Qarxiyo, waxaana la tusiyay sedax badhan oo mid kastaahi laga qarxin karo Jaakadda iyo Boorsada wada jira ee Argagixisada dhawaan Isticmaalkeeda Billowday .

August bartamaheeda ayay iska soo wareejiyeen Hey’adda Baarista, wixii xilligaasi ka dambeeyay xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isna hubin ku bilaabay daba galka iyo jiritaanka eedaha Hey’adaha Amniga Baarista.

Baaritaan dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday in la muddeeyo dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Xasan Cabdullaahi Aadan, waxa ayna Maxkamadda ballamisay 26 bishii Tobnaad ee Sanadkan.

Wixii intaasi ka dambeeyay Maxkamadda ayaa billowday dhageysiga kiiskan, xilliya kala duwan ayaa la isugu soo noqday si’ay Maxkamadda jawaab waafi ah uga hesho sida lagu qabtay qof Naftiisa haligaya oo agab qarxa wata, waxa ay Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo Ciidamada cadeeyeen In eedeysanaha uu isku dayay in uu baxsado laakiin ay agabka iyo eedeysanahaba ay ka wada dajiyeen gaari dadweyne.

Eedeysane Xasan Cabdullaahi Aadan ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in uu  ujeedkiisa ahaa in uu isku Qarxiyo meel loogu sheegay in ay tahay xarun ay degan yihiin ciidamo dharcad ah, laakiin tilmaamta cadeymaha ayaa muujineyso in u jeedkiisu ahaa Tiyaatarka Qaranka.

Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda weydiistay in eedeysanaha loo naxariisto Maadaama ay Al-Shabaab kaga faa’ideysteen aqoon la’aan iyo duurka uu duruuf kula noolaa.

Maxkamadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aamisay in Xasan Cabdullaahi Aadan lagu xukumo Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu rafcaan ku dalban karo muddo 30 cisha ah xukunka kadib.

BY:Abdulkadir Isse

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Taliyaha ciidanka dhulka oo ka qaybgalaya bandhigga Teknolojiyadda Militariga ee Istanbul

Istanbul (SONNA): Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sarreeye Sahal Cabdullaahi Cumar iyo saraakiil kale…

July 23, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Guddiga gurmadka fatahaadaha oo baaq caawimaad ah u diray Bulshada Soomaaliyeed

Muqdisho-(SONNA)-Xubnaha Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu Magacaabay Ra'iisul wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in xaaladda Magaalada Baladweyne ay…

Wararka
October 28, 2019

BJFS oo guda-galay doodaha Akhrinta 2-aad Dhismaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka

Muqdisho(SONNA)Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta leh fadhi lagu gudagalayo doodaha Akhrinta 2-aad ee Hindisaha Xeerka Dhismaha…

GudahaWararka
November 13, 2024

Gudigga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan la qaatay Haweenka Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Gudigga madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo soohdimaha oo kulan wadatashi ah la yeeshay Haweenka Soomaaliyeed,waxana diirrada lagu saaray sidii Haweenku…

GudahaWararka
December 25, 2024

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo ka warbixiyay diyaar garowga Xulka Qaranka ee 17 jirada

Muqdisho (SONNA) Guddoomiye Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, Cali Shiine ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo u diyaar garowga ciyaarta…

GudahaWararka
April 29, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023