Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay sii hayaha Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya oo Maanta gaaray magaalada Badhabo
Madaxweyne Lafta Gareen ayaa waxaa uu kulan is xog wareysi ah la qaatay sii hayaha wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada xukumadda federaalka Soomaaliya.
Xubanahaan ka socday dowladda Soomaaliya ayaa magaalada baydhabo u tagay mashaaruuc horumarineed oo ku aadan dhinaca waxbarashada maamulka koonfur galbeed.