Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo maanta hortagay guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare BFS, kadib kulan gaar ah oo lagu casuumay ayaa goluhu ka dhagaystay warbixin.
Guddoomiyaha golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xarunta golaha ku soo dhaweeyey madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay inay ahmiyad wayn leedahay wada shaqeyta golaha aqalka sare iyo dowlad Goboleedyada.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa guddiga joogtada ah ee aqalka sare uga warbixiyey guud ahaan xaaladaha Galmudug iyo horumaradii ay samaysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay, wuxuuna si gaar ah diradda u saaray shirirakii kala dambeeyey ee caasimadda Galmudug lagu qabtay, kuwaas oo shirkii u dambeeyey uu ka soo baxay heshiis gundhig u noqon kara hanaanka doorashada dalka oo wali wadatashiyo ku saabsan ay socdaan.
Ugu dambeyn Madaxweyne Qoorqoor ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey shirka Muqdisho uga socda dawlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dawladda Federaalka inuu ku soo dhammaado natiijo wanaagsan iyo isu tanaasul, laguna saxiixo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay.
ย ย ย