Qeybtii hore ee Tartanka bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 10- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Laascaanood ,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Kaaraan ay keensadeen 8 dhibcood.
Sidoo kale qeybtii labaad ee tartanka waxaa wareegga 3-aad ku soo baxay Degmada Caabudwaaq oo ku badisay 18-dhibcood,halka tartamayaasha Degmada Aadan0Yabaal ay heleen 8-dhibciid.
Tartameyaasha afartaasi degmo ayaa wjahay tartan aad u adag oo ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.
Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Xarardheere iyo Heliwaa oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Banaadir.