Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Wasaaradda Boostada oo faahfaahin ka bixisay dadaalkii loo galay soo celinta adeegga internet-ka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasaaradda Boostada oo faahfaahin ka bixisay dadaalkii loo galay soo celinta adeegga internet-ka
Wararka

Wasaaradda Boostada oo faahfaahin ka bixisay dadaalkii loo galay soo celinta adeegga internet-ka

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 28, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho.(SONNA)…Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa ka mahadceliyay dadaalka ay shirkadaha ku bixiyeen in la soo yareeyo muddada uu internetku ka maqan yahay qeybo ka mid ah dalka, inta ka horreysana ku dadaalay inay internetka bixiyaan iyagoo adeegsanaya dayax-gacmeedka si aysan caqabad ugu iman adeegyada ku tiirsan internetka.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in dalkeenu uusan ka kabsan karin khadka internetka oo go’a maadaama ay ku tiirsan yihiin adeegyada bankiyada, xawaaladaha, isku-xirka taleefoonnada dibedda, tikidhada, waxbarashada, warbaahinta, adeegyada dawladda sida baasaboorrada, iwm. Sidaasi darteed in loo baahan yahay in xil dheeri ah la iska saaro maadaama qeybaha nolosha oo dhan ay haatan ku tiirsan yihiin internetka.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shirkadaha bixiya adeegga internetka inay taxadar dheeri ah iyo heegan muujiyaan maalmaha soo socda inta cilladdan laga wada xallinayo si uusan hakad u galin adeegga ay bixiyaan. Dhinaca kale, wuxuu wasiirku sheegay in arrintani ay muujineyso baahida weyn ee magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya u qabaan in la helo xargo kale oo internet si looga badbaado inuu gebi ahaanba go’o internetka marka ay hal xarig cillad farsamo ku timaaddo sababtoo ah waa wax dhici kara inay cillado ku yimaadaan xargaha badda hoosteeda mara, balse dalalka kale aan la tabin maadaama ay haystaan kuwo kale.

“Shirkadaha kale ee xargaha soo wada waxaan fareynaa inay dadajiyaan hawshooda, waayo dhowr mar ayaanu aragnay inay khatar weyn tahay in lagu tiirsanaado hal xarig oo kaliya, dhinaca kalena waa u fursad ganacsi oo muujineysa in adeeggooda baahi loo qabo,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Shirkadda Dalkom, oo Soomaaliya wakiil uga ah xarigga internetka Eastern Africa Submarine Cable System (EASSY), ayaa   warbixin ay soo gaarsiisay Wasaaradda ku sheegtay in iyaga oo kaashanaya EASSY ay u suurto gashay in ay dib u soo celiyaan addeegga Internetka si KMG ah, ka hor inta ay soo gaarayaan badweynta koox caalami ah oo ka caawisa hagaajinta cilladda ku timid khadka, taas oo ah meel xeebteena u jirta 27km. Shirkaddu waxay sheegtay in xarigga uusan go’in, balse uu soo gaaray dhaawac, balse haatan loo xalliyay si KMG ah (Ka eeg sawirka oo muujinaya meesha khadku ka cilladoobay).

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS oo Kormeeray Wasaaradda Cadaaladda XFS

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka,…

GudahaWararka
January 7, 2025

Caa’isha Aadan Ugaas oo gashay kaalinta 1-aad ee imtixaanka Qaran Sannad Dugsiyeedka 2024/2025

Muqdisho,(SONNA):- Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo goordhow shadowy natiijada imtixaanka Qaran sannad Dugsiyeedka 2024/2025-ka ayaa sheegtay in Caaisha Aadan…

GudahaWararka
August 24, 2025

Taliska Ciidanka Xoogga oo toogtay Naftii halige isku soo xiray walxaha qarxa

Muqdisho(SONNA):-Taliska ciidanka dhulka XDS ayaa Abaare 08:21 AM Subaxnimo toogtay dhagarqabe waxyaabaha qarxa isku soo xiray kaasi oo doonayay inuu…

GudahaWararka
November 13, 2023

Howlgal ka dhan ah hubka sharci darrada ah oo ka socda Dh/mareeb

Dh/mareeb-(SONNA)-Ciidanka Ammaanka ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga waxaa ay ka bilaabeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug,Ciidamada ayaa xalay…

Wararka
November 20, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023