Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegya in madaxweynuhu uu Dhuusamareeb u tegayo si uu uga qeyb galo shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada-shaqeynta labada heer ee dowladda iyo doorashooyinka dalka.
โMadaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaraya Dhuusamareeb si uu halkaasi uga qeybgalo shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee dowladda iyo doorashooyinka qaran ee nagu soo fool lehโ ayuu yiri agaasime Cabdinuur.
Soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug oo ay ku suganyihiin Madaxda dowlad goboleedyada iyo Ra,iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre.
ย